X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulankii U Horeeyay La Yeelanaya Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdiiyo wasiirka wasaaradda Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide20 February 2019.

Addis Ababa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyaadda Somaliland, Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayo, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federaalka Ethiopia, kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Ethiopia, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo ka tirsan dawladda federaalka Ethiopia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Addis Ababa 20 February 2019.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka IEthiopia, Dr. Abiy Ahmed oo ku qaabilay qasriga Madaxtooyadda


admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post