X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabilay Aqoonyahan Dunida u Bandhiga Qaddiyadda Somaliland

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Aqoonyahan Michael Rubin oo ah madaxa maxadka American Enterprise Intitute isla markaana ah khabiir wax badan ka qoray qaddiyadda madax-bannaanida, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka Somaliland ka hanaqaaday oo uu in badan beesha caalamka u bandhigay.

Aqoonyahankan ayaa qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland ugu dooda warbiximo iyo qoraalo uu la wadaago warbaahinta caalamka, isagoo beesha caalamka u sharaxa dawlad-wanaaga, horumarka iyo doorashooyinka ka hirgalay Somaliland oo ay waddamo badan oo caalamka ah ay kaga horumarsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu aqoonyahankaa ku bogaadiyey sida uu ugu doodo qadiyada Madax-bannaanida iyo horumarka Somaliland uguna heelan yahay inuu wax ka qoro.

Aqoonyahankan oo ka dareen celinaya safarkiisa uu ku yimid Dalka Somaliland oo uu in badan wax ka qoray ayaa madaxweynaha u sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka dalka uu u doodo ee Jamhuuriyadda Somaliland, Wuxuuna booqandoonaa goobo muhiima oo ka mida dalka, isagoo ku hawlan sidii uu beesha caalamka ula-wadaagi lahaa heerka waxbarashada tacliinta sare ee dalku ku tallaabsaday, madaama uu maamulo xarun waxbarasho oo heer caalami ah kuna taala dalka Maraykanka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post