X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka

Madaxweye Biixi oo Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka ee Hargeysa 26 Oct, 2019.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda qaranka, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtey Khayriyadii hore ee Hargeysa.

naqshada Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka Somaliland

Dhismahan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhagax-dhiggeeda waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin, abwaanno iyo ganacsato kala duwan, kuwaas oo ku dheeraaday muhiimadda ay xaruntani qaranka u yeelan doonto iyo baahida loo qabo in dhammaanba wixii keyd ah bulshada manfac u leh  loogu keydiyo si jiilka dambe ee dhalan doonaa u intifaacsadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa ku dheeraaday taariikhdii ay soo martay xarunta Khayriyada Hargeysa ee haatan laga dhisayo Keydka Taariikhda Qaranka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay goobtaasi tahay xarun bulshada reer Somaliland Taariikh dheer u leh oo ku habboon in laga dhigo madal Taariikhda bulshada lagu keydiyo.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxay waxyaabaha la doonayo in lagu keydiyo xarunta cusub ee loo dhisayo keydka Taariikhda qaranka,“Halkan waxaynnu ka doonaynaa in Taariikhdeenaa shanta kun ee sanno ah wixii ina soo maray ee jirey, talo haddii ay tahay, haddii ay dhaqan tahay iyo haddii ay Saynis iyo cilmi tahayba, lagu keydiyo, dad baynnu ahayn dhisan oo isku filan oo noloshoodu isu miisaaman tahay oo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay qabanayaan garanaya, wixii baynnu rabnaa inaynnu halkan kusoo ururinno oo ka faa’iidaysanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xarunta cusub ee uu madaxweynuhu maanta dhagax dhigay, ayaa noqonaya mid loo asteeyey in laga helo dhammaanba wixii taariikh iyo cilmi ah ee ay bulshada reer Somaliland lahayd, waxana uu madaxweynuhu ugu baaqay inay shacabku dhammaanba soo ururiyaan wixii Taariikh ah ee ay hayaan, si looga faa’iidaysto.

WA-BILAAHI TAWFIIQ

Nasir Yusuf Dahir, Director of the Media Department in the Office of the President Republic of Somaliland

ناصر يوسف ضاهر ، مدير إدارة الإعلام في مكتب رئيس جمهورية أرض الصومال

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post