X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Booqday Xarun Lagu Dabbiibo Carruurta

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay booqday cusbitaalka gargaar gaar ahaan xarun lagu dabbiibo, islamarkaana qalliinno loogu sameeyo carruurta yar yar ee soo dhasha iyaga oo wadnuhu daloolo oo Kharashka ku baxaya laga bixiyey qasnadda qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu farxadda iyo rayn-reynta la qaatay carruurta iyo waalidiinta dhashay ubadka ku dhashay iyaga oo wadnuhu daloolo oo daaweyn guulaysatay oo aanay lacagi kaga bixin loogu fuliyey dalka gudihiisa, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadda caafimaadku.

Qaar kamid ah dhakhaatiirta gacanta ku haya daaweynta loo sameeyey ubadka yar yar ee wadnuhu daloolay oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay u galeen carruurta yar yar iyo dhibaatadii ay hore u soo mareen, waxana ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan caawinta ubadka yar yar, iyaga oo madaxweynahana ku ammaanay sida uu ugu dhiirraday inuu bixiyo kharashka lagu daboolay baahida caafimaad ee ubadkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhakhaatiirta uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen daaweynta ubadkaas yaryar, waxana uu caddeeyey inuu carruurtaas kharashkii lagu daaweeyey ka bixiyey qasnadda qaranka, waxana uu yidhi, “Kharashku waa kharashkii qaranka, xaq baynna ku leeyihiin, ninka masuulka ahina wixii qaranku hayaa, wax Hooyaday iyo Aabahay iiga tageen oo anigu aan leeyahay oo gaar ah maan bixine waa xoolihii qaranka, iyagaana ugu mudan oo qofka bukaanka ahina qaranka wixiisa wax buu ku leeyahay.”

Carruurta soo dhalata iyaga oo wadnuhu daloolo, ayaan haatan ka hore dalka gudihiisa waxba lagaga qaban jirin, islamarkaana intii kharash hesha oo kali ahi ay dalka dibaddiisa qaban jirtey, balse madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aansaday inuu isagu bixiyo kharashkaas, dalka gudihiisana la keeno agabka iyo dhakhaastiirta loo baahan yahay  si ubadkaas dalka wax loogu qabto.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu cusbitaalka International ee magaalada Hargeysa ku booqday Oday Maxamed Diiriye oo ah Aabaha dhalay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo xaalad caafimaad u jiifa halkaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq–

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post