X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Gobolada Bariga

Araweelo News Network

muuqaalka Madaxweyne Siilaanyo oo lagu soo dhoweeyay Caynaba

Caynba(ANN)Wefti balaadhan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 18/08/2016, safar shaqo ugu kicitimay gobolada bariga Somaliland, qaarka mid ah. socdaalka weftiga ayaa ahaa mid yoolkiisa koowaad ahaa gobolka saraar gaar ahaan magaalo madaxdiisa Caynaba, oo ay ku sugan yihiin wakhtigan.


Hase ahaatee intii weftiga madaxweynuhu jidka ku sii jiray waxa si baaxad leh ugu soo dhaweeyey tuullooyinka, degmooyinka iyo gobolada Saaxil, Togdheer iyo Saraar, bulsho tiro badan oo madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey sawaxan gacaltooyo oo ay ku dheehan tahay wadaniyad iyo boholyow madaxtinimo, iyagoo lulaayey caleemo qoyan iyo calanka Somaliland.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay magaalada caynaba waxa duleedka magaalada kaga horyimid maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay wehelinayaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland oo iyagu ku sugnaa gobolka, ka dibna waxa uu madaxweynuhu socod lug ah ku maray wadada halbowlaha ah ee dhex marta magaalada caynaba isagoo salaan gacan taag ah u fidiyey dadweyne tiro badan oo ku sugnaa wadada hareeraheeda, una soo baxay soo dhawaynta madaxweynaha iyo weftigiisa.


Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona dhawr maalmood, isagoo madaxweynuhu u kuurgelaya xaalada guud ee dadka ku dhaqan deegaamadaasi, lana filaayo in madaxweynuhu maalmaha soo socda uu ku sugnaado gobolada bariga. Safarka Madaxweynaha ayaa daba socdii kala dambeeyey ee Madaxweynuhu ku soo galaabixiyey dalka, taariikh ma guurto ahna ka dhigay socdaalada ka war haynta shacbigii u doortay hoggaanka dalka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post