X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Iyo Weftigii Uu Hogaaminaayey Oo Ku Soo Laabtay Togdheer

Araweelo News Network

muuqaalka soo dhawaynta madaxweynaha

Burco(ANN) Madaxweynaha Iyo Weftigii Uu Hogaaminaayey Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degaanada Fadhi-gaab, Xayira, War-idaad, Gar-adag Dibna Ugu Soo Laabtay Togdheer

Burco(ANN) Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee mudada sideeda maalmood ah ku guda jiray socdaalkoodii Tabantaabo, ayaa saaka ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo oo ay laba habeen u dhexeen weftiga Madaxweynuhu, intii ay socdaalka ku jireen Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray hawsha baaxada leh ee ka socota wadada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo loona bixiyey Silaanyo Road.

muuqaalka madaxweynahaoo kormeeraya wadada


Geesta kale madaxweynuhu waxa uu soo dhawayn miisaan leh kala kulmay shacbiga ku dhaqan deegaamada Yufle, Ceel-afweyn, Fadhigaab, Gar-adag, War-idaad, Xayira iyo dhamaan tulooyinka u dhexeeya Togdheer, Sanaag iyo Saraar, oo dadka ku sugani ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen soo dhawayn muq iyo miisaan leh, isaga oo madaxweynuhu u jeediyey khudbado kala duwan dadka una duceeyey in Alle abaarta ka soo furto oo raxmad khayr qabta u shubo.

Madaxweynaha oo shacbiga ku dhaqan gar-adag ay u sameeyeen hadhimo sharafeed ayaa qadada ka dib u soo dheemaalay dhinaca War-idaad oo uu madaxweynuhu xog waran ka dhegeystay dadka ku dhaqan halkaasi una sheegay ujeedada safarka weftiga uu gadhwadeenka ka hayey, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay dugsi Boodhin ah oo loo dhisayo magaalada Xayira, kaas oo loogu magac daray Mujaahid Cabdilaahi Cali Suufi oo ka mid ahaa halgamayaashii dalkan u soo halgamay.

Ugu dambayntii waxay weftigii madaxweynuhu soo gaadheen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, waxaana laamiyada magaalada isugu soo baxay oo ka qayb qaatay soo dhawaynta madaxweynaha shacbigi aad u tiro badan, halka maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay weheliyaan madax-dhaqameed, waxgarad, waayeel, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwanina ay kaga horyimaadeen duleedka magaalada una soo gelbiyeen dhinaca guriga martida ee Burco oo uu madaxweynuhu caawa ku soo degay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post