X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Ghana Oo Dhisay Xukuumaddii Ugu Tirada Badnayd Qaarada Afrika

Araweelo News Network


Accra-Ghana (ANN)- Madaxweynaha Dalka Ghana Mr. Nana Akufo-Addo, ayaa magacaabay Wasiirada ugu tirada badnaa ee inta la ogyahay xukuumad Afrikaan ah Madaxweyne ku dhawaaqo, isla markaana noqonay xukuumaddii ugu tirada badnayd ee ay dalka Ghana yeesho.

Mr. Nana Akufo-Addo oo ah Madaxweynaha dalka Ghana oo ku yaal Galbeedka Afrika, ayaa magacaabay Gole Wasiiro ah oo 110 xubnood ah, kuwaas oo ka kooban 56 Wasiir,50 Wasiir ku xigeen iyo 4 Wasiiro Madaxtooyo, waxaana Wasiiradii ugu tirada badnaa ee soo marka xukuumad dal yar oo dadkiisu yihiin 27 Million oo aan dhaqaale buuran lahayn.

Xubnaha Wasiirada ee Madaxweyne Nana Akufo-Addo soo magacaabay ayaa u badan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Ghana, wuxuuna isagoo ka hadlayay Telefishanka Qaranka difaacay tirada badan ee Wasiiradda uu magcaabay oo uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah dowladiisa.

Madaxweyne Nana Akufo-Addo , wuxuu sheegay in shaqo la’aan ba’an oo ka jirta awgeed ay tahay in xukuumad balaadhan la dhiso, isagoo dhinaca kale balanqaaday in uu sameyn doono xafiis baadhitaan ku sameeya musuq-maasuqa ka jira dalka, arrintaa oo qayb weyn ka ahayd ololihiisa doorashada, Ka hor intii aanu kursiga ku guulaysan 2017.
Xubnaha Wasiiradda, ayaa yeelanaya mushahar dhan $4,000 oo u dhiganta (£3,326) iyo ugu yaraan midkii laba Gaadhi oo kuwa raaxada ah, Guryo iyo adeegyo kale oo bilaash ah.
Dalka Biritain oo dadkiisa lagu qiyaaso 65 million, waxa mararka qaar golaha wasiirada tiradoodu gaadhaa 120 wasiir, balse dalka yare e Ghana oo aan dhaqaale buuran lahayn, isla markaana dadka ku nool lagu qiyaaso 27 Million, waxa dhismaha xukuumadda Madaxweyne Nana Akufo-Addo lagu tilmaamay mid dhibaato ku ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post