Araweelo News Network
Banjul (ANN)-Madaxweynaha Wadanka Ghambia Yaxye Jaamic, ayaa xaalad degdeg ah kusoo rogay wadankaasi, iyadoona Dowladaha Galbeedka qaaradda Afrika ay ku Hanjabeen in ay Faragelin melleteri sameynayaan.
Hoggaanka ugu sarreeya dalka Ghambia ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dhammaan gobollada iyo magaalooyinka wadankaasi.
Madaxweynaha Ghambia Yaxye Jaamic ayaa iclaamiyay xaalad Bandaw ah oo socan doonta muddo 90 maalmood ah, sida uu baahiyay telefeshinka rasmiga ah ee afka xukuumadda ku hadla.
Yaxye Jaamic oo khudbad ka jeedinayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaaladda degdegga ah ay ka dhaqan geli doonto dhammaan magaalooyinka wadanka, islamarkaana ujeedada laga leeyahay ay tahay sugidda ammaanka iyo ka hortagga wax uu ugu yeedhay faragelin dibadeed oo dhaawici karta madax banaaninada wadanka.
“Xaalada degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay dhammaan dhulka ay ka koobantahay Jamhuuriyadda Islaamiga Ghambia si loo adkeeyo ammaanka iyo deganaashiyaha” ayaa lagu yidhi war lagasii daayay Telefeshinka qaranka wadankaasi.
Madaxweyne Yaxye Jaamic ayaa ka digay faragelin lagu sameeyo natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii dhowaan ka dhacay wuxuuna sheegay in dadka Ghambia uu ku dhaqayo qaanuunka wadanka u yaal.
Xaaladdan degdegga ah ee Ghambia laga iclaamiyay ayaa kusoo beegantay, iyadoo maalin keliya ay ka hadhsantahay waqtiga madaxtinimada Madaxweynaha Ghambia.
Dhinaca kale Markab dagaal oo ay leedahay dowladda Naigeria ayaa kusoo wajahan xeebaha wadanka Ghambia waxaana la sheegay in uu cadaadis saarayo Yaxye Jaamac, markabka ayaa hadda ku sugan xeebaha wadanka Ghana.
Ururka ay ku mideysanyihiin wadamada dhaca Galbeedka qaaradda Afrika ayaa hore u sheegay in faragelin melleteri ay ku sameyn doonaan Ghambia haddii is hortaag lagu sameeyo Aadan Barroow oo la sheegay inuu ku guuleystay doorashooyinkii madaxtinimo ee Ghambia ka dhacay, balse uu ku gacansaydhay natiijada Madaxweynaha hada Yaxye Jaamic.