X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Faransiiska Oo Ka Hadlay Jawaabaha Cadhaysan Ee Shucuubta Islaamku Ka Bixiyeen Hadalkiisa

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron

Araweelo News Network

 

 

Paris(ANN)- Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka hadlay dhawaaqii ka cadhaysiiyay Muslimiinta ee lagu aflagaadeeyay Nabe Muxamed NNKH. Macron wuxuu ku dooday inuu fahmi karo sababta ay Muslimiinta uga cadhoodeen sawir gacmeedka muranka dhaliyay lagu aflagaadeeyay Nabe Muxamed NNKH.

Macron, ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay Warbaahinta Caalamiga ah ee Al Jazeera, wuxuu  ku dooday in aannay marnaba aqbali karayntaa lagaga jawaabo rabshado, isagoo ku andacooday in hadalkiisa la lumiyay nuxurkiisa.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu sheegay inuu rumeysanaa in fal-celinno adag ay kaga imanayaa Bulshooyinka Muslimka ah, sababtoo ah waxa uu ku dooday in dadku si khaldan u fahmeen hadalkiisa, isla markaana u maleeyeen inaan aniga taageersan ahay kartoonnada ama xitaa in dowladda Faransiiskuba ay sameeysay sawiradaa ayuu yidhi.

“Waan fahamsanahay dareenka ay muujiyeen waana ixtiraamayaa Muslimiinta, hase yeeshee waa inaan muujiyo kaalintayda haatan oo aan sameeyo labo arrimood:, “inaan sare u qaado xasiloonida iyo sidoo kale inaan ilaaliyo xuquuqda,” ayuu yidhi, isaga oo ku doodaya wuxuu ugu yeedhay xoriyada hadalka ee kuwa sameeyay kartoonada.

“Maanta adduunka waxaa jira dad diinta Islaamka qalloocinaya iyagoo adeegsanaya magaca inay difaacayaan diintooda,  kuwaasi oo dadka , dilaya amaa gowracaya… maanta waxaa jira rabshado ay wadaan qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha xagjirka ah iyo shakhsiyaadka wata magaca Islaamka.”

Mr Macron ayaa sidoo kale sheegay in qaadacaadda Baddeecadaha Faransiiska ah ee la soo jeediyay ay tahay “mid aan u qalmin” oo “aan la aqbali karin”.

 

 

Waraysiga Macron, ayaa kusoo beegmay weerarkii Khamiista lagu dilay kaniisad ku taal magaalada Nice kaasi oo aan weli la aqoonsan cidda ka danbaysay, isla markaana Islaamiyiinta loo tuhmay isla fogeeyeen innay ku lug lahaayeen.

Muranka xisadda ka dhalay, waxaa sii xoojiyay dhawaaqa Madaxweynaha Faransiiska, kaas oo noqday mid khilaaf ka dhex aloosmay qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta ah iyo Macron sii kiciyay oo abuuray cadhio weyn oo Faransiiska kaga timi shucuubta Islaamka.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan ayaa durbadiba isagoo ka cadhaysan arrintaa, wuxuu si weyn u canbaareeyay Madaxweynaha Farasiiska, isagoo ku tilmaamay mid aan caqli lahayn, wuxuuna Erdogan ugu baaqay Muslimiinta iyo dalalka Islaamka in ay joojiyaan gebi ahaanka badeecaddaha ay soo saaraan Faransiisku si loogu ciqaabo, taas oo ay ku raaceen dalal badan oo Islaamka ah.

Dahacdo horaantii October, waxa dalka Faransiiska ka dhacday in Macalin qoorta laga jaro xaafad ka mid ah magaalada Paris kadib markii uu qaar ka mid Ardaydii uu macalinka u ahaa tusay kartoonada dacaayada iyo Aflagaadada ah ee laga sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Dhinaca kale, Qunsuliyada Faransiiska ah ee Dalka Sucuudiga ee Magaalada Jida ayaa lagu qaaday weerar maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo nin cadhaysan oo ka cadhooday dhawaaqa Madaxweynaha Faransiiska uu weerrarkaa geystay, walaw mid ka mid ah Ilaalada Qunsuliyada Faransiiska dhaawac soo gaadhay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post