X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Djibouti Oo Si Ballaadhan Ugu Soo Dhaweeyey Dalkiisa Madaxweynaha Somaliland: Daawo

Araweelo News Network

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo xidhmo Ubah ah lagu gudoonsiinayo Madaarka Djibouti 6 Jan 2018

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer caalami ah, meeqaamkeeduna sareeyo loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, markii ay gaadheen madaarka diyaaraha ee dalkaasi, oo ay ku sugayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mida golihiisa wasiiradu.

Marki ay soo cagadhigatay diyaaradii siday weftiga madaxweynaha Somaliland oo iyadu ahayd diyaarad khaasa oo madaxweynaha Somaliland ka qaatay madaarka Cigaal International Airport, geysayna madaarka Jabuuti, iyadoo ay madaxweynaha ku hoos sugayaan diyaarada wasiirada Arrimaha dibeda iyo wasiirka maaliyada ee Jabuuti iyo buxno kale oo ka mida dawladda Jabuuti oo uu wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi.

 

Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ka dibna waxa loo sii gelbiyey dhinaca qolka nasashada (VIP)-da oo uu ku sugayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle oo isagu marti-qaadka u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi si balaadhana u qaabiley una soo dhaweeyey dhigiisa Somaliland ayaa qadar nasasho ah ka dib madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey Hotel Kempinski oo ay weftigu ka degan yihiin.

Waxaana la filayaa in uu maalinta beri ah si rasmi ah u qabsoomi doono kulanka labada madaxweyne ay yeelan doonnaan, kaasi oo noqon doona mid lagu soo qaado lagagana wada hadlo danaha labada dal iyo ta geeskaba.

Halkan Ka Daawo qaabkii loo soo dhoweeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Safarkiisa u horeeyay ee dalka Djibouti.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of Presidential Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post