X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismail Omar Gelleh

Araweelo News Network

 

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle , ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya ee xaaladda ammaanka iyo heshiiska Madaxda Soomaaliya ka gaadhay khilaafkii doorashadda.

Madaxweyne Geelle, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hdlay mar uu khudbad ka jeedinayey shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo madaxda aduunku kaga qaybgashay khadka Isgaadhsiinta ee Online, kaddib markii iyadoo laga taxadirayo xannuunka COVID-19, ee dunuda ku faafay habka maqalka iyo muuqaalka ay kaga qaygaleen sannadkan hoggaamiyaasha aduunku.

 

Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, wuxuu boggaadiyey heshiiska laga gaadhay murranka doorashooyinka ee ay dhowaan gaadheen madaxda dowladda Federaalka, ,Madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, heshiiskaa oo maanta Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku meel mariyay.

Dhanka kale, wuxuu Madaxweyne Geelle ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay taageeraan heshiishaas, si loo dhaqan-geliyo doorashada oo ay uga qabsoonto Soomaaliya..

“Go’aan wanaagsan, weeye, dabcan Soomaalida oo iyaga, ayaa si madax bannaan heshiiskaa u gaadhay, waxa keliya Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Soomaaliya looga baahanyahay waa in ay taageero garab istaag ah u muujiyaan si loo dhaqangeliyo heshiiskaa oo ay uga dhacdo doorashaddu dalka” ayuu yidhi,  Madaxweynaha Djibouti Geelle.

Sidoo kale wuxuu soo qaaday xaaladda ammaanka ee Soomaaliya, isagoo  ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM , ku tilmaamay, wuxuu ugu yeedhay guullo uu sheegay in ay ka gaadheen howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

“Horrumar ay gaadheen Ciidamada Dowladda Federaalka, dabcan waxaa la howlgala oo garabsiinaya Askarta AMISOM, waa in la taageero Ciidamadaas si looga guuleysto Argagixisada” ayuu yidhi, Geelle oo aan tilmaamin guulaha uu sheegay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post