X

Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Sababta Uu Markii Shanaad U Tartamayo Iyo Dhaleecaynta Mucaaradka

Ismail Omar Geelle Djibouti President Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 #Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ka Jawaabay Su’aalo Kulul

#Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Dalka Djiouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay sababta uu markii shanaad u tartamayo doorashooyinka dalkaa ee u banayn waayay kursiga.

 

Madaxweyne, Geelle, wuxuu arrimahaa iyo kuwa kale oo la xidhiidha cabashada mucaaradka iyo dadka xabsiyada ku jira ee ka mid yahay Fu’aad Yuusuf Cali kaga jawaabay su’aalo kulul uu weydiiyay Weriye Bashiir Maxamed Caato oo ka tirsan Idaacada BBC ee Soomaaliga.

 

Madaxweyne Geelle ayaa markii shanaad u tartamaya inuu hoggaamiyo dalkaa oo ah ka ugu yar ee ku yaal dalalka geeska Afrika, wuxuna tallada dalka soo hayay tan iyo 1999.

Wallaw la filayay inuu Madaxweyne Geelle markan aannu tartamayn sida uu hore u sheegay, balse mar uu weriyaha BBC, weydiiyay wuxuu, sheegay sababta uu weli u tartamayaa ay taahy  rabitaan ka yimi bulshada.

 

“Annaga oo aan hadlin dadka iyaga ayaaba codsaday in aan mar kale tartamo oo ilahaa joog oo ha tegin, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan tartamo markii ugu danbeysay” ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa intaai ku daray inuu gaboobay, isla markana  shaqada uu hayaa ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay in aanu  tartami doonin xilka doorashada, balse taasi hada meesha waa ka baxday.

Madaxweyne Geelle, ayaa la weydiiyay xadhiga Fu’aad Yusuuf , ayaa ku dooday in uu yahay denbiile, wuxuuna sheegay in aannay  xadhiga qof denbiile ah oo la xidhaa ahayn i n dadka la cabudhinayo, isagoo meesha ka saaray in ay jiraan siyaasiyiin Tayo leh oo miidaanka imanaya.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa arintan u arka mid muujinaysa ku tagri fal awoodeed madaama uu hadda isaga xafiiska maamulo iskuna arkayo in uu doorashada u maamuli karo sidii uu doono.

Waxaa sidoo kale jiray warar sheegayay in shacabka leyska hortaagay dibadbaxyo todobaadkii la so dhaafay, kuwaas oo la doonayay in lagu muujiyo diidmada in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka.

Muxuu Ka Yidhi Eeedaha Mucaaradka

Mucaaradka ayaa ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda wada gaadheen 2014, kaas oo ay isku afgarteen in la alkumo guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka

“Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa arrimahaasi(doorashooyinka) ka shaqeysa. Guddi madax banaanna wuu jiray, wuuna jiri doonaa. Heshiiska nimankaas iyaga uun ayaa ka baxay. Mar alaale iyo markay dareemeen in aanay waxay rabaan u suuroobeynin ayay durbaan qaataan oo ay meel walba ka qeyliyaan. Doorashada marka la gaara uu nbaa la arkaa.. Sidaasna wax laguma helo”, ayuu yidhi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka arrimaha gudaha Muumin Axmed ayaa sheegay in qeybinta kaadhadhka codbixintu  billaabatay 25-kii February ay “si wanagsan u socoto” siina socon doonto ilaa iyo 8-da April.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post