X

Madaxweynaha Djibouti Oo Dalkiisa Ka Saaraya Reer Galbeedka

Djibouti's President Ismail Omar Guelleh on Tuesday, Nov. 12, 2019 in Paris. (Ludovic Marin/Pool via AP)

Djibouti (ANN)- Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu dalkiisa ka saaray dhammaan la-taliyayaashii qurba-joogta ahaa ee Faransiiska, Jarmalka iyo Maraykanka, kuwaas oo uu ku beddeayo la-taliyeyaal China  ah.

Warat xog-ogaal ah oo ay heshay shabakaddaha Araweelo News, ayaa sheegay in Lataliyaha arrimaha ajaanibka ee China Mr. He Liehui, uu yahay  madaxa shirkadda Shiinaha ee Touchroad.

Shirkadan Touchroad ee Shiinaha waxa ay xidhiidh la lahayd millateriga China, waana shirkadda uu kasoo jeedo sarkaalkan.

 

Mr. He Liehui loo magacaabay la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si tartiib tartiib ah dalkiisa  uga saari doona ciidamada qalabka sida ee dalalka reer galbeedka sida Faransiiska, Jarmalka iyo Mareykana nuddooyinka soo socda sida ay heshay Araweelo News.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post