X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Dalka Sudaan Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Xidhiidhka Israel Iyo Xasiloonida Dalkiisa

Omar Al Bashiir

Khartoum(ANN)-Madaxweyne Bashar al-Bashir ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya Israel Iyo dalkiisa, isagoo sidoo kale sheegay sidii loo xaqiijin lahaa xasilloonida dalkiisa.

Madaxweyne Al-Bashiir oo waajahaya dibad-baxyada inta baddan ka alloosan magaalooyinka waaweyn ee dalka Suudaan oo sii karaar qaatay tan iyo 19-kii Diseembar markii mudaaharaadayaashu ay qaadeen waddooyinka waaweyn, iyagoo ka soo horjeeda go’aanka dawladeed ee lagu kordhinayo qiimaha roodhida.

Jiimcihii, waxay Bilayska Sudan, ayaa isku deyay Inay la tacaalaan dibad-baxyo u waaweyn oo lagula wareegay waddooyinka ka dib markii ay salaadda subaxnimadu ku dhawaaqeen in sheekooyinka ku-meel-gaadhka ah ee magaalada caasimadda ah ee Omdurman ee kasoo baxaya Xukuumadda Al-Bashir aanay ahayn kuwo soconaya.

Arrinta mudaharaadayaasha, waxa sii xoojiyay markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Bashir laga soo xigtay wada xaajood xidhiidh ah oo uu la yeeshay Israa’iil oo dhankeeda ballanqaaday inay gacan ka geysaneyso xasilinta dagaalada Suudaan. Madaxweynuhu waxa uu diiday in uu sheego ciddii isaga siiyey talada, laakiin wuxuu ku sheegay shir ay la yeesheen hoggaamiyeyaasha diinta Yuhuuda caasimada Khartoum.

Dalka Suudaan wuxuu xidhiidh dhow la leeyahay Sacuudi Carabiya sanadihii la soo dhaafay, waxaana la sheegay inay ciidamo u dirtay Yemen si ay gacan uga geystaan weerarrada Boqortooyadda ee ku waajahan dadka saboolka ah ee Yemen.

Balse wararkaa u danbeeyay ee Al- Bashir ayaa imaanaya iyada oo ay jiraan dhawaaqyo sii kordhaya oo lagaga dalbanayo inuu iscasilayo kadib markii ay sii kordheen dibad baxyo sii xooggaystay oo sababay dhimasho, kuwaas oo ka dhan ah sicir-bararka iyo cuntada iyo shidaalka oo yaraaday waddanka bilihii la soo dhaafay.

Hay’adda Amnesty International. ayaa sheegtay in ciidamada nabadgelyada ee Suudaan ay toogteen ugu yaraan 37 dibadbaxayaal intii lagu jiray mudaharaadyada lagaga soo horjeedo dawladda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post