X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Dàlka Irelànd Iyo Taliyaha Guud Ee Ciidamadda Dalkàa Maxày Kawada Hadleen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefdigiisa

Michael D Higgins Madaxweyaha Ireland oo qasrigiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo

Ireland(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mud. Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Dalkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho rasmi ah ku jooga dàlka Ireland.

Michael D Higgins oo wefdiga Madaxweynaha Somaliland ku qaabilay qasriga Madaxtooyadda Ireland

Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo waftigiisu ku yimaadeen Dalkkiisa, waxaana uu tilmaamay in waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen ahaa uu u dhaxeeyo labada Waddan iyo labada Ummadood, waxaana uu uu sheegay in Dalka Ireland uu diyaar u ahay in Jamhuuriyada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday Dalka Somaliland, wuxuuna Madaxweynaha JSL ku ammaanay tariikhda hoggaamineed iyo dalaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dibudhiska waddan ku yaala goob colaado hadheyeen

Wefdiga Madaxweynaha Somaliland oo lagu soo dhoweeyay Caasimadda Ireland ee Dublin 06 Oct, 2015

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay wehelinayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kana hawlgalaan ciidaadda Ireland.

ka bilaw midig Sabina Higgins Marwada iyo Madaxweynaha Ireland,Michael D Higgins iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo iyo Maradiisa Aamina Weris.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoosnis Qasriga Madaxtooyadda Ireland 06 Oct, 2015

Sidoo  kale Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga rer Somaliland su gayaan. Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta Somaliland.

Michael D Higgins Madaxweynaha Ireland iyo Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Cuksue

Muuqaalka Wefdiga Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan qasriga Madaxtooyadda Ierland

Dhinaca kale Marwada Koowaad Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu  soo dhowaysay Marwada Somaliland Aamina Maxamuud  Jirde (Aamina Weeks)  Marwo Sabina Higgins ayaa si balaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejisay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland. Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay taariikhda iyo halganka ay Ummada Somaliland usoo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland u noqon lahaa dal la aqoonsado so dadkiisu horumar iyo bàrwaaqo u gaadho.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xafiiska xidhiidhka Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha xidhiidhka Warbaahinta ee Madaxtooyadda Naasir Yuusuf Daahir, isla martkaana uu soo tebiyay Weriyaha Wefdiga Madaxweynaha Muniir Axmed Cigaal.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post