X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Dal ku Yaal Qaaradda Yurub Oo Sheegay In Aannu Musuqmaasuqu Dambi Ahayn Iyo Mudaharaadyo Lagu Diiday Go’aankaa

Araweelo News Network

Bucharest (ANN)- Madaxweynaha dalka Roomaaniya (Romania) ee ku yaal bariga qaaradda Yurub Mr. Klaus Iohannis, ayaa digreeto uu soo saaray ku sheegay in musuqmaasuqu aannu noqon karin dambi culus oo ciqaabtiisu adag tahay, iyadoo arrintaasina sababtay mudaharaadyo waaweyn oo gilgilay dalkaas.
Digreetada liiska dambiyada lagaga saaray musuqmaasuqa (decriminalises corruption) oo soo baxday 31 January 2017, waxa lagu sheegay in ku-xad-gudubta awooda, hantida ummadda iyo falalka musuqa ah ee qiimahoodu ka hooseeyo $47 ku oo doollar aanay dambi noqon karin, qofka ku kacana aan la marin wax ciqaab ah.
Hasa yeeshee, boqolaal kun oo qof oo ka cadhooday go’aanka ka soo baxay dawladda, ayaa sameeyey mudaharaad xoogan oo gilgilay caasimadda dalka Roomaaniya ee la yidhaah Bucharest, kuwaasoo qaatay boodhadh ay ku qoran yihiin in la xalaashanayo ku tagrifalka hantida qaranka, isla markaana la doonayo in lagu lunsado xoolaha ummadda ka dhexaysa.

Hay’addaha ka shaqeeya maamul-wanaaga ee dalka Roomaniya, ayaa sheegay inay maxkamadda ka furanayaan dacwad ka dhan ah digreetada ka soo baxday Madaxweynaha dalkooda, balse, masuuliyiinta xukuumadda ayaa dhinacooda ku adkaysanaya in aan laga noqon doonin go’aankan meesha lagaga saarayo in musuqmaasuqu yahay dambi culus oo ciqaabtiisu adag tahay.
Digreetada ka soo baxday xukuumadda Roomaaniya, ayaa xambaarsan laba qodob oo kala ah;
1. Cafis iyo saamaxaad loo fidiyo dadka maxaabiista ah ee u xidhan falalka musuqmaasuqa iyo maamul-xumada ah
2. Iyo in wax ka beddel lagu sameeyo sharciga ciqaabta ah (Penal Code) si meesha looga saaro in musuqu yahay dambi culus.

Bulshada ku dhaqan dalka Roomaaniya ee ka cadhooday go’aankan, ayaa ballanqaaday in aanay joojin doonin mudaharaadka ay wadaan ilaa inta xukuumaddu is casilayso, isla markaana laga noqonayo wareegtada musuqmaasuqa ka dhigaysa mid aan dambi ahayn.
Dhinaca kale, Midawga Yurub, ayaa cambaareeyey digreetada ka soo baxday Madaxweynaha dalka Roomaaniya, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid xambaarsan walaac xoogan, waxayna iftiimiyeen inay si dhaw ula socdaan xaaladaha ka taagan waddankan ku yaal bariga Yurub.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post