X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Cusub Ee zimbabwe Oo La Dhaariyay

Araweelo News Network

 

Emmerson Mnangagwa

Harare(ANN)Emmerson Mnangagwa oo noqonaya madaxweynaha Zimbabwe! ayaa xila loo dhaariyay, isagoo bedelay madaxweynihii xilka ka dagay Robert Mugabe.

Mnangagwa, ayaa hore u ahaa madaxweyne ku xigeenka, wuxuuna muddo aad u dheer lasoo shaqayanayay Mugabe oo xilka hayay muddo 37 sanadood ah.

Emmerson Mnangagwa khudbad uu ka jeediyay garoon ciyaareed oo ay dad soo buuxdhaafiyeen, wuxuu wacad ku maray in uu u shaqayn doono dhammaan muwaadiniinta Zimbabwe.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu jagadan qabto, wuxuuna si weyn u ammaanay madaxweynihii uu badalay Robert Mugabe, isaga oo ugu yeedhay, Aabo, ababiye, nin ay ciidammada ka soo wada shaqeeyeen iyo hogaamiye, waxayna dadkii kasoo xaadirtay  aad ugu sacab tumeen amaantaa.

Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur samaynayo, iyadoo heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ay gaadhayso boqolkiiba 90%.

“Waxaan doonayaa in aan dhaqaalaha kordhino, nabad ayaan doonaynaa, shaqooyinka ayaan abuurayaa” ayuu yidhi, Mnangagwa oo dad kula hadlayay Harare.

Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah si ay deyn u hesho.

Ma cada in Madaxweynaha cusu uu dowlad wadaag ah soo dhisi doono, ama  xisbiga Zanu-PF oo kaliya uu golihiisa wasiirada ka koobi doono inta uu xilka hayo ka hor doorashooyinka sanadka dambe ee 2018.

Mugabe ayaa si layaableh xafiiska u banneeyay ka dib 37 sano oo uu xukun keli-talisnimo ah dadka ku maamulayay, kamana uu qaybgelin madashaa, waxayna arrintan xilka uu Mugabe ku waayay dabo socotay awood isku qabqabsasho horseeday in Mnangagwa laga eryo madaxweyne ku xigeennimadii, si wadada loogu xaadho in Grace Mugabe oo ah xaaska Mugabe ay xilka la wareegto.

Bishii hore, ayay ahayd markii arrinta muranka dhalisay ay ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.

Mucaaradka ayaa ka codsaday Madaxweynaha cusub Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas.

sida ay sheegayaan wararka Madaxweynihii hore Mugabe, waxa loo fidiyay xasaanad uu kaga nabad galayo in wax dacwad ah lagu soo oogo.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post