X
    Categories: Warar

Madaxweyene Siilaanyo Oo Markii Muda -Xileedkiisii Sharciga Ahaa Dhamaaday Magcaabay Wiilka Uu Sodoga U Yahay Iyo Nin Hore Ugu Saaqiday Anshaxa Siyaasada

 

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo oo dhamaystay muda xiledkiisii sharciga ahayd Todobaadkan kadib shan sanadood oo uu xilka hayay mudada dastuurku waajibiyay, wuxuu xilal u magcaabay Wiilka uu sodoga u yahay iyo Nin ka mid ah dadka anshaxa siyaasada I yo akhlaaqiyaadkeeda ku saaqiday.

Digreeto  Madaxweyne Silaanyo kasoo saaray xafiiksiisa, ayaa u qornayd sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

 Markuu Arkay:     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:              In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta
Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China
  2. In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.’ ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale Ninka Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Safiirka Dalka Imaraadka ayaa mudadii shanta sanadood ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo ka talinayay dalka dhex dabaalanayay mashaariicda lagu boobo khayraadka dalka ee lagu magcaabo shirkado shisheeye oo Somaliland kasoo saaraya shidaalka, kuwaas oo ay isaga iyo Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ku xaalufiyeen khayraadkii dalka, wuxuuna saamiyo ku yeeshay Mr. Baashe oo Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay shirkadaha maafiyada ah ee boobka ku haya khayraadkaa dalka, iyadoo ay hadda soo gudhay beentii Wasiirka macdantu ku maaweelinayay dadka ee ahayd waxaan Somaliland kasoo saarayaa shidaal.   

 

  Mr. Baashe oo mudadii Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay magaciisa la maqlay, isla markaana warbaahinta Somaliland marar baddan soo bandhigtay eeddo musuq-maasuq oo uu madaxda kula jiro, ayaa loo bixiyay Magaca Moorgan oo ahaa Ninkii fadhiyi jiray Guriga Madaxweyne Siilaanyo ka taliyo ee qasriga u noqday Madaxtooyada Somaliland, kaas oo Maxamed Siyaad Bare u ahaa sodog, wuxuuna mudadaa Mr. Baashe usoo jiiday Madaxweyne Siilaanyo dheg-xumo iyo ceeb taariikhda u gashay oo canbaar ku noqotay taariikhdii dahabka ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo ku lahaa bulshada Somaliland ku dhowaad 50kii sanadood ee uu siyaasada kusoo jiray.

Ninka labaad ee loo magcaabay Safiirka China Mr. Mingiste, ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoose ee xisbiga UDUB, wuxuuna caan ku ahaa weedho iyo maqaalo aan waafaqsanayn anshaxa siyaasada, isagoo Madaxweynaha hadda magcaabay ee Axmed Siilaanyo ku tilmaamai jiray xiligii uu mucaaradka ahaa iyo markii uu ku guulaystay doorashada shan sanadood ka hor Nin waalan oo aan dalka xukumi karin.

sidaa awgeed magcaabista labadan xubnood ee Madaxweyne Siilaanyo magcaabay xili uu dhamaaday mudo-xileedkiisii sharciga ahaa kuwo qayb ka noqonaya rakaab xumadii hore looga bartay iyo in xilallka qaranka loo magcaabao dad aan munaasib ku ahayn, waxayse arrimahan oo dhan ahaanayaan kuow bar madaw kusii noqda taariikhda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukunkiisa qar-qooshka ah oo taariikhdu qori doonto.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post