X
    Categories: Warar

Madaxwayne Siilaanyo Oo Wejigabax Kala Kulmay Munaasibadii Djibouti Iyo Dareenka Cadhaysan Ee Bulshada Somaliland Ka Bixiyeen

Araweelo News Network

Siilaanyo Oo dhexda u fadhiya Madaxwaynayaashii Maamul Goboladeeda Somalai iyo Ugaaska Beesha Ciise iyo Guddomiyayaal ka socday Maamul goboleedyada Somalia

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Ahmed Siiraanyo iyo wafdigii uu hogaaminayey ee shalay u safray inay ka soo qaybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa karaamadii dadka iyo dalka Somaliland dhulka la dhacay ka dib markii ay oggolaadeen in lagu qaabilo baratakool aad u hooseeya oo aan u qalmin Madaxweyne huwan sharafta iyo haybada qaranka Somaliland.

Madaxweyne Siiraanyo waxa madaarka Djibouti kaga horyimi wasiirka waxbarashadda ee Djibouti xafladii caleemo saarkana waxa madaxweynihii dalka Somaliland uu oggolaaday in la dhinac fadhiisiyo Ugaaska Ciisaha agtiisa sidii oo uu yahay madax-dhaqmeed,iyadoo laga fogeeyey goobtii ay madaxweyneyaashu fadhiyeen.

madaxweyne geelle oo ay hareeraha ka fadhiyaan madaxweynayaal xasan sheekh ka mid yahay


Mr Siiraanyo iyo wafdi uu hogaaminayo oo galinkii dambee maanta ka soo laabtay Djibouti ayaa markay soo gaadheen madaarka Hargeysa ku wareegay diyaarad halkaas ku sugaysay taasoo u qaadday dhinaca Dubai, halkaasoo la filayo inay kusoo saxeexaan heshiis lagu wareejiyaano dekadda iyo madaarka Berbera shirkad uu Abbaan u yahay wiilka uu madaxweynuhu soddoga u yahay ee Baashe Cawil.

Dhinaca kale Bulshada Somaliland ayaa dareen cadho ah ka muujiyay sida loo bahdilay Madaxweynehooda, waxayna arrintan abuurtay doodo ay rayal caamka Bulshadu si weyn su,aalo isaga weydiinayaan sababta madaxweynohooda loogu bahdilay munaasibadaa ee loo dhexfadhiisiyay Odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyayaasha maamul goboleedyada Somalia.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post