X
    Categories: Warar

Madaxtooyadda Somaliland Oo Magcawday Masuuliyiin Xilal Kala Duwan Loo Dhiibay Iyo Hay’adda Dekedaha Dalka

Silanyo

Araweelo News Network

 

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017 uu isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha hay’adaha madaxa banaan ee dalka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Awdal)

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Maroodi-jeex)

Magacaabida iyo Isku bedelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD);

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda)

In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD)

Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore maareeyihiin Hay’ada mucaawimooyinka WFP)

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post