X
    Categories: Warar

Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Dhawaaqa Midnima-doonka Ah Ee Madaxweynaha Soomaaliya

Afhayeenka Madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jaamac

Hargeysa(ANN)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay dhawaab kasoo yeedhay xalay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo mar uu ka hadlayay munaasibad lagu qabtay xalay magaalada Muqdisho oo lagu xusyay sa59-guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Mustacmaradii Boqortooyadii Britain iyo Woqooyiga Irland ka sheegay in sidii loo soo celin lahaa midnmadii Soomaaliyeed wax walba loo hurayo.

Dhawaaqa Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta war-qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland lagaga jawaabay, waxa lagu yidhi,  “Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay.

Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda.

“Dudadaanu ahayne,

Dawlad soo gadhay ma ihine,

danteenaa laba diidaye,

Dabuub aannu maqlaynay,

dareen baannu ka qabnaayoo,

dugsigii Baarlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

dooniyi yaanay ku leexan”.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

  Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post