X
    Categories: Warar

Madaxtooyada oo Sheegtay inay Saaxadda Siyaasadda Dalka ku soo Kordheen Dad Dafira Horumarka iyo Wanaagga Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay saaxadda siyaasadda ee dalka ku soo kordheen dad uu ku sifeeyey in ay iska indho-tiraan horumar kasta oo qaranku ku tallaabsado, isla markaana jecel inay qariyaan waxyaabo u muuqda ummadda.
Wasiir Xaashim ayaa sidoo kale ka hadlay waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay dalka muddada ay xilka haysay, isagoo dadka aqoonyahanka ah ugu baaqay inay qiimeeyaan horumarka qaranka Somaliland gaadhay muddadaas.
“Marka la qiimaynayo xukuumad amma xisbi talo dal ku guulaysatay waxaynu u baahan nahay inaynu si mug weyn loo qiimeeyo, waxa laga duulaa oo saldhig u ah barnaamijkii xisbigaasi ummadda u bandhigay ee uu codka kaga doonay ee bulshadu ku taageertay. Waxa la qiimeeyaa muxuu barnaamijkiisii ka fuliyey, muxuu meel mariyey? Waxa kaloo la qiimeeyaa muxuu ku guul-darraystay inuu fuliyo oo ku fashilmay? Dhinaca kale, waxa la qiimeeyaa maxaa muddadaas carqalado iyo mushkilado soo wajahay dawladda, sidee bay se uga dabbaalatay mushkiladahaas? Waxa kale oo la qiimeeyaa maxay hal-abuur la timmi intaa ka baxsan wixii ay ballanqaadday ama carqalad ku yimmi maxay hal-abuur iyo isbeddel ku tallaabsatay?”
“Waxyaalahaas dadka laga doonayo inay qiimeeyaan waa aqoonyahannada bulshada dhex-dhexaadka ah ayaa laga rabaa inay arrimahaas ka makhraati kacdo; haddii aannu annagu imminka akhrino oo buugaag badan daliilinno waxa laga yaabaa inay dad badan u qaataan rag faanaya amma bulshada indhasarcaadinaya, balse waxa laga yaabaa in hadda wax badan aannu qabanayba laga murmayo oo la dafirsan yahayba. Waxa jira oo siyaasadda Somaliland ku soo kordhay dad xaqaa’iqa dafira, oo xaqiiqo jirta dafira oo sacabka saara oo yidhaa arrintaasi ma jirto. Waxa ku soo kordhay dad buuro waaweyn odhan kara halkaasi buuro maahee waa bannaan iyo togag. Siyaasaddeenna ayey ku soo korodhay, waana arrimaha aynu u baahan nahay inaynu ka korno. Wixii wanaagsan waa inaynu isu qirnaa, wixii qalloocana waa in la sheego,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa shalay.
Sidoo kale, waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey ardayda bartay cilmiga maamulka, hoggaaminta iyo maaraynta mashaariicda, “Ilaahay ayaa mahad leh marka ugu horaysa, marka labaadka waxaan bogaadinayaa aqoonyahankan dhamaystirtay kulliyadaha Governance and Leadership iyo Project Management aqoontaas weyn ee ay takhasuska ku qaateen. Waxaannu leenahay hambalyo. Waxa kale oo aannu bogaadinaynaa macallimiintii iyo aqoonyahankii ku tabcay iyo masuuliyiinta jaamacada Hargeysa, waxaanay muujinaysaa maanta heerka ay marayso aqoonteennu iyo koboca ku yimi, gaar ahaan Jaamacadda Hargeysa iyo isbeddelka ay ku tallaabsanayso ayaannu ka martkhaati kacaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post