X
    Categories: Warar

Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Kulan Dhex Maray Labada Guddi Ee Taakulaynta Iyo Madax Ka Socday Hay’adaha Qaramada Midoobay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN )- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay kulan maanta Qasriga madaxtooyada ku dhex maray labada guddi ee guddida taakulaynta abaarta, iyo guddida 18 May ee ka soo kabashada Abaaraha iyo madax ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay.


Kulanka oo ahaa kulan balaadhan oo laga hadlayey sidii loo midayn lahaa hawlgalada guddida ka soo kabashada abaarta iyo qorshayaasha Hay’adaha Qaramada Midoobay, isla markaana sare loogu qaadi lahaa wada shaqayntooda, ayaa waxa joogay xubno ka socday labadaasi guddi iyo xubno kale oo dawladda ka tirsan.

Kulanka ayaa markii uu dhamaaday waxa ka hadlay najiitada ka soo baxday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Axmed Xaashi Cabdi waxaanu yidhi “ Maanta waxa halkan madaxtooyada laba gudi ee taakulaynta abaaraha iyo guddida ka soo kabashada abaartu ay kulan la yeesheen saraakiil iyo madax sare oo ka socda Hay’adaha Qaramada middoobay, kuwaas oo inooga yimid Nairobi, markaa shirku waxa uu daaranaa iyaga qaybtooda ka aadan arrimha ka soo kabashada abaarta iyo maadaama ay iyagu marka horeba barnaamijyo hayaan ay ku caawinayaan dadka, markaa in la mideeyo awoodaha waxqabashad ah iyo barnaamiyada ay iyagu wadaan iyo kuwa dawladda iyo guddida Takaualda ee 18 May ay wadaan, in laysku keeno in xidhiidhinta iyo wada-shaqaynta laysku soo dhaweeyo, in warka iyo xogta lays dhaafsanayo la xoojiyo oo si joogto ah loo kulmo iyo in iyagu UN-tu maadaama oo ay hayaan khuburo inay inaga caawiyaan dhinaca la talinta, oo ay ina siiyaan khuburo wax ka qabta oo inaga caawiya dhaamamka la qodayo ee ku saabsan ka soo kabashada abaarta.”

Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena yidhi “Arrimahaas oo dhan si fiican ayaa layskugu afgartay, in la xoojiyo wada shaqyanta in barnaamijyadoodana ay kala mid dhigaan kuwa aynu doonayno iyo sida ay dawladdu muhiimada u siisay, oo ay u jiheeyaan dhinacaas, waxana lagu heshiiyey in shir dambe laysku yimaado, oo ay wasaaradahii arrimhaas qaabilsanaa sida beeraha, caafimaadka, biyaha, deegaanka iyo qorshaynta oo aad looga wada hadlo sidoo arintaa loo xoojin lahaa, oo si wada-jir ah oo midaysan Dawladda Somaliland iyo qaramada midoobay isu kaashan lahaayeen dadkeena ay caawimadu gaadho iyada oo mid ah.” Ayuu yidhi Wasiir Axmed Xaashi.

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post