Araweelo News Network
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa tilmaamay hab-dhaqanka wanaagsan ee looga baahan yahay qofka madaxda u noqda dadka in aanay ahayn inuu ka dhex baxo ama uu iska qariyo.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali waxa uu sheegay in looga baahan yahay cidda madaxda u noqota dadka inay dhex joogto oo la arki karo, lana dhaliili karo si uu u hagaajiyo shaqadiisa, isla markaana xogogaal ugu ahaado xaaladooda.
“Madaxtinimadu maaha in qofku intuu gaadhi qulufan raaco la arki waayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, madaxtinimadu waa qofku dadkiisa ku soo noqdo oo wax waydiiyo, ku dhex noolaado, wax la waydiin karo, la arki karo, la dhaliili karo, taas ayaanu u nimi shirka haddaanu nahay Waaxda saddexaad ee Qaranka ee Garsoorka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo hadal ka jeediyey kulan is xogwaraysi ah oo ku saabsan caddaaladda iyo xuquuqda aadamaha ee Somaliland oo dalladda SONSAF ku qabatay Hargeysa.

Waxa kaloo uu xusay in siyaasadda ay ku hoggaaminayaan garsoorka dalku tahay in la beddelo aragtida laga haysto garsoorka ee aan wanaagsanayn, waxaannu yidhi, “In garsoorku noqdo meel furan oo aannu noqon meel xidhan iyo meel laga cabsado oo waaran, xadhig iyo tallaabo adag oo la qaado aan ahayne in meel adeeg badani yaalo inay tahay, waxa laga yaabaa haddii la soo qaado garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal iyo boolis in markaba ay maskaxdiina ku soo degdegto xadhig, waaran iyo meel laga baqo, waxaas oo dhami waa fikrado aanay waxba ka jirin.”
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay adeegyada muhiimka ah ee hay’adaha garsoorku u qabtaan dadweynaha, “Adeegga badan ee garsoorku hayo waxa ka mid ah boqolaal kun oo dacwadood oo madani ah baa na soo gala, waxa lagu maamulaa oo lagu ilaaliyaa ganacsiga, hantida dadkaa laga difaacaa, maxkamaduhu hantida ayey dadka u kala wareejiyaan, way u kala iibiyaan, waxay ka shaqeeyaan guurka qoysaska, furniinka lammaanaha, waxa kaloo uu garsoorku bixiyaa xuquuqo aan tiro lahayn, markaa waxyaabahaas oo dhami xadhig uun maaha ee waa adeeg garsoorku bixiyo. Waxaannu doonaynaa aragtidaa hore ee dad badan maskaxdooda ka buuxay in la beddelo oo sida hay’adaha kale ee Baarlamanka oo kale aragtida laga haysto inay tahay hay’ad furan oo la tago sidaas oo kale weeye garsoorkuna, iminka dib u habayn badan baa ka socota.”
Guddoomiyaha Maxkamadda waxa uu sharraxaad badan ka bixiyey dadaallada dib u habayn ballaadhan ee madaxda uu hormoodka u yahay ku wadaan waaxda Garsoorka oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta qarankan.
“Garsoorku waa udub-dhexaadka qaranka, waayo hay’adaha kale isagaa ilaaliya, haddaad cabasho haysato iyagaa loogu cawdaa, haddaad caddaalad-darro tirsanayso iyagaa loo cawdaa, haddii golayaasha qaranku is qabtaan iyagaa u garnaqa, hadday soo baxaan qaraaro laga cabsi qabo oo la is leeyahay sharci kuma salaysna iyagaa dib u eega ama fasira ama laala oo awooddaa leh, markaa in aynu ka wada shaqayno horumarintiisa oo is kaashanno, idinkuna wax ku biirisaan waa lagama maarmaan,” ayuu yidhi Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.