X
    Categories: Warar

Madaxii Goobjoogayaasha Caalamiga Ahaa Ee Dooashadii Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Arrimo Baddan Iskana Difaacay Eedo Loo Jeediyay

Araweelo News Network

Michael Walls

Hargeysa(ANN)-Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga Mr Michael Walls ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin haba yaraatee wax xidhiidh gaar-ahaaneed ama qeyb uu ka yahay maamulka xarunta Xarunta Dhaqanka Hargeysa, iyo Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa.

Mr. Walls oo galabta waraysi gaar ah siiyey Telefishanka BulshoTv iyo Wargeyska Dawan ayaa sheegay inuu ka xun yahay soo hadalqaadka shirkii Gacanlibaax, isla markaana u noqotay cashar uu ka bartay Somaliland.

Caddeyn kooban oo u sheegay inuu ka bixinayo hadal uu kaga jawaabayey eedo hore loogu jeediyey, oo uu sheegay in sifo khaldan loo turjumay ayuu ku bilaabay hadalkiisa,

“Waa caadi markaad ka jawaabaysid eedo laguu jeediyey, in jawaabtaadu toos u khusayso cidda eedaha kuu soo jeediyey keliya. Waxay nagu eedeeyeen in dad aan ahayn Goobjoogayaasha Caalamigu soo xulayeen goobjoogeyaasha, waa war aan run ahayn; waxay sheegeen inay jireen danno-is-khilaafsan (conflict of interest), taasi waa been; taa cakiskeeda, waxaan ka shaqeynay inaan qof xidhiidh noocnaba la leh xisbiyada tartamayey qeyb ka noqdaan goobjoogeyaasha.”

Michael Walls ayaa sheegay in hadafkoodu ahaa inay ka jawaabaan eedahii loo jeediyey, taasoo uu sheegay inay xaq u lahaayeen, waxaanu yidhi,

“Haddafkayagu waxuu ahaa inaan ka jawaabno eedahii naloo jeediyey, taasoo aan hubo inaan xaq u lahayn, laakiin, xaqiiqdii qodobka aan doonayey inaan sii bayaamiyo intaa wuu ka balaadhnaa, maadama aan doorashooyin badan oo caaalamka ka dhacay qeyb ka soo ahaa, waxaan dhab ahaan u werwersanahay xaalada doorashooyinka Somaliland xilligan, sababtoo ah nidaamka Xisbiyada iyo wadciga qabaa’ilku islama jaanqaadi karaan, waana arrin xaqiiqdii ka jirta labada xisbi ee waaweyn. Wakhtiyadii hore xisbiyadaa deegaano balaadhan ayaa qeyb ka ahaa, balse wakhtigan taasi way soo koobmayaan, taasoo ka dhigan, waxaan ka hadlayaa labadaba KULMIYE iyo WADANNI, doorasho kasta way sii adkaanaysaa, xilliga doorashada marka qolo walba ku tartamayso saaxad kooban, dadkaasi waxay ku khasbanaanayaan inay wax walba ku guulaystaan ama wax walba ku khasaaraan. Taasi waa arrin halis ku ah doorashooyinka, sii jiritaankooduna, arrinka aan doonayey inaan bayaamiyo kaa weeye.

Mr Walls ayaa sheegay inaanay jirin sabab uu jawaabta eedaha loo jeediyey ula doonto madasha Buugaagta, isla markaana ahayd goobtuu ka jeedinayey warbixintii Doorashada halkuu ka jeediyey jawaabta eedahii loo jeediyey, waxaanu yidhi,

“Kama sheegin hadalkayga Bandhiga Carwada Buugaagta Hargeysa, waxaan ku baahiyey Hotel Ambassador, waxaan ku baahiyey xilkayga Madaxii Goobjoogeyaasha, wax shuqul ah aan ku leeyahay maamulka HIBF ma jiro, kuma jiro aasaasayaashii Carwada Buugaagta Hargeysa, kuma jiro guddiga fulinta ururada, weligayna qeyb kama ahayn, taasi iima diidayso inaan ka qeybgalo bandhiga buugaagta, ka qeybgalkeedu waa inay wanaagsan tahay, laakiin uma adeegsan hoy aan ka duulo.”

Hadalka ka dib su’aalo la weydiiyey ayaa u dhacay sidan:

Waxaad sheegtay inaanad wax shaqo ah ku lahayn Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo HIBF, ka waran Red Sea iyo Somaliland Focus?

Ha noqoto Xarunta Dhaqanka Hargeysa, Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta ama Red Sea Foundation, ma jiro xidhiidh rasmi aan wadaagno, kumana jiro golaha sare (Board). Waan taageeraa Bandhiga Buugaagta, waayo waa talaabo wanaagsan, sidoo kale Xarunta Dhaqanku waa wax wanaagsan waan taageeraa, waxa wanaagsan taageeridoodu maaha, qeyb ayaad ka tahay. Somaliland Focus waxa lagu sameeyey London waa mareeg wareed.

Maxaa keenay inaad shirkii Gacanlibaax soo dhexgeliso siyaasada, miyaanay u muuqanayn inaad faraha la gashay siyaasadii gudaha ee shacabka Somaliland, sidoo kale ma jiray kulan rasmi ah ood yeelateen Xisbiga Wadanni ka hor jawaabtaadii?

Waan la kulmay dad kala duwan oo xisbiyada ah, oo fahmay ujeedada jawaabtayda. Waxaan tilmaamay in muuqaalkii Baadigoob loola jeeday inuu fariin u diro shirka, marnaba maan odhan waxaa ka dambeeyey Qabiil hebel? Balse in xisbigu doonayey inuu fariin gaadhsiiyo shirka.

Eedaha laguu jeediyey ma suurtoobi karaan inay dhaawac gaadhsiiyaan shaqooyinkaaga mustaqbalka ee Somaliland?

Hagaag, ma garan karo, aynu eego. Waxaan qabaa in hawl walba nidaamkeeda leedahay, ma jiro waxaan ka sii sheegi karo mustaqbalka. Waxaan rajaynayaa inaanay ku yeelan, shaqsiyan waxaan qalbi daacad ah ku caddaynkaraa inaanu jirin cid aan u eexday iyo cid aan ka eexday. dantaydu waxay ahayd doorashada, dantaydu waxay ahayd horumarka mustaqbalka Somaliland, waxaan rajaynayaa inaanay wax saamayn ah ku yeelan dhinacna, laakiin, mustaqbalka lama sii odorosi karo.

Maxaa keenay werwerka aad wakhtigan ka muujisay nidaamka xisbiyada iyo doorashooyinka Somaliland, mise waxa la odhan karaa waa mid ay keentay buuqii uu dhaliyey hadalkaagii?

Waa u sheegay hore, isla falgalka nidaamka qabiilka iyo doorashooyinka way iska horimaanayaan, marar kala duwan hore waan u sheegay wax cusub maaha, waana xaqiiq jirta, waa dhab maalmahii dhowaa hadaladu way bateen, laakiin, arrinkaa dhabtii igama keenin. Waxaan kuu sheegayaa hadii warkii aan sheegay aanu xaqiiq ahayn, dadku waxay odhan lahaayeen waa Ajaanib wax aan jirin sheegay, waana la ilaawi lahaa; hadii arrimaha aan ka hadlay aanay xaqiiq ahayn, xiisada ma kiciyeen, dad badan oo kalena eedo cusub ma soo jeediyeen. Ma odhanayo Somaliland way guuldaraysatay, waxaan doonayaa Somaliland guulaysata, laakiin, waa waajib I saaran inaan sheego sidaan wax u arko, ka khabiir ahaan.

Gebagebadii ma qoomamaynaysaa odhaahdaadii inaad shirkii Gacanlibaax ku xidhiidhiso siyaasada, ama raaligelin maka bixinaysaa?

Waxaan filayaa in casharkii aan ka bartay noqdo, weligaa Qabiilna ha magac-dhabin. Markaa waad magacowday miyaanay ahayn? Waa ka xumahay waan magacaabay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post