X
    Categories: Warar

Madaxii FBI-da Maraykanka Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa

Araweelo News Network

FBI Director James Comey (Photo by AFP)

Washington(ANN)-Gudoomiyahii xilka laga qaaday ee Hay’adda dembi baadhista Maraykanka ee FBI James Comey, ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyey, waxana uu sheegay in aanu filaynin in sidaa degdega ah xilka looga qaadayo amaba ay xil ka qaadistiisu u dhacayso qaabka ay u dhacday.

Mr Comey ayaa warbixin uu soo saaray oo ay baahiyeen shabakadaha kala duwan ee Dalkaasi Maraykanku waxa uu ku sheegay in inkastoo ay xaaladiisu wanaagsanaan doonto hadana uu waayi doono hay’adii Dembi Baadhista FBI ee uu Shaqadeeda xiisaha u hayey, isagoo intaa raaciyey in wakhtiyada adag ay lama huraan tahay inay shacabka Maraykanku ka arkaan Hay’ada FBI daacadnimo, karti, hufnaan iyo madax banaani.

” waa shay kugu adag inaad ka dhex baxdo dad aad ogtahay inay hayaan shaqo sax ah‘ sidaa waxaa sheegay James Comey, madaxii hore ee Hay’adda FBI ee Dalkaasi Maraykanka.

Aqalka cad ayaa soo saaray xil ka qaadista Comey, ka dib markii lala kaashaday talobixin ka timid Wasiirka Cadaalada ee Maraykanka Jeff Schenz.

‘Adigu ma lihid kartidii aad mas’uuliyadaa ku sii wadi lahayd, aqalka cad-na waxa uu u baahan yahay inuu kalsooni dheeraad ah ka helo shacabka’ sidaa waxaa lagu yidhi Wareegtada uu Madaxweyne Donald Trump xilkii kaga qaaday Taliyihii Hay’adda FBI James Comey.

Hussein Kurdi

xogtadunida.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post