X
    Categories: Warar

“Madaxda Xisbiga WADDANI Halkay Ku Noolaanayaan Markay Belaayo Iyo Jabhado U Yeedhtaan” Muj. Maxamed Kaahin

Maxamed Kaahin


Berbera(ANN)-Wasiirka Arrimaah gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland oo maanta maraysa meel wanaagsan aan loo baahnayn in belaayo aan jirin iyo Jabhado loo yeedho,


Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo ka hadlayay munaasibada xuska 24 guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Badda Somaliland oo lagu qabtay Berbera, atyaa dhaliilay dhawaaqyo kasoo baxay Xisbiga WADDANI,, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwo aan qaranka iyo nabadgelyada Somaliland dani ugu jirin.


“Halkan aynu joogno Berbera ayaa lagu qabtay shirkii Feb 1991, waxa isugu yimi dhammaan deegaamada Saylac , Sool iyo Awdal ee nabada laga shaqaynayay, halkay joogeen raggan, waxay inoo saadinayaan masiibooyin aan inoo dhowayn, in jabhado la noqdo, gobolo iyo xaafado la kala noqdo oo Somaliland burburto, markay sidaa noqoto iyagu xagay ku noolaanayaan, Ninka Madaxweynaha u sharaxan iyo ka madaxweyne xigeenka u sharaxani, Madaxda Xisbiga WADDANI, xagay ku noolaanayaan, xagayse joogeen markii dalka loo halgamayay” ayuu yidhi, Wasiir Maxamed Kaahin.


Sidoo kale, waxa uu sheegay in ragga ugu hadalka badan maanta ay yihiin kuwii shalay la lahaa waxbay qaateen, isagoo yidhi, “Ragga shalay la lahaa lacag baa ku maqan ayaa ugu hadal badan, anagu Kulmiye in la xisaabtamo ayaan jecelahay, oo laga xisaabtamo Madaxweynaha ilaa Guddoomiyayaasha Xisbiyada, anigu waxan ahay Afartii ugu horeeyay ee SNM, tegey, oo aan ka noolahay, Baloodh ayaan dalka ku leeyahay, waxan ku fekeraa dawladda maw celisaa waayo, waxaan ku dhiso ma hayo.”ayuu yidhi, Muj. Maxamed Kaahin.


Waxa uu sheegay in dalka la wada leeyahay, cid walbana nabada iyo horumarka dani ugu jirto, balse waxa uu xusay inay tabashooyin jiri karaan oo ay gobol walba ka jiri karaan, laakiin aanay arrimaha qaarkood dani ugu jirin Somaliland, sidaa awgeed loo baahanyahay in laga fekero sidii dalka horumarkiisa iyo nabadgelyadiisa oo cid walba ay dan u tahay looga wada shaqayn lahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post