X
    Categories: Warar

Madaxda Shirkadda Fly Dubai Iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Kulan Ku Yeeshay Dubai

Araweelo News Network

Dubai (ANN)Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxda sare ee shirkadda diyaradaha ee Fly Dubai, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta shalay.
Warsaxarafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Somaliland Mr. Ismaaciil Cali Axmed oo lagu faahfaahiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay kulanka ka qabsoomay Dubai, waxa uu u qornaa sidan:
“Wafti uu hogaaminayo Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Nuur Faahiye oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dubai, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay madaxda shirkadda FLY DUBAI oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka shirkaddaas Mr. Sudhiir Serederen (Senior Vice president), kuna wehilinayeen kulanka madaxa madaarrada u qaabilksan Shirkadda Fly Dubai Mr. Lukasz Skorupa iyo wakiilka shirkadda ee waddanka Somaliland Mr. Cumar Siciid Ducaale.

Kulankaas oo ku qabsoomay xarunta shirkadda Fly Dubai ayaa labada dhinac kaga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya shirkadda iyo Wasaaradda Duulista Hawada.
Ugu horreyn, shirkadda Fly Dubai ayaa si wayn uga mahadcelisay Wasaaradda Duulista Hawada muddadii ay ka hawlgalaysay Madaarka EGAL International Airport ee caasimadda Hargeysa, sidii fiicnayd ee ay ula shaqaysay, una garab istaagtay.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ballanqaaday inay kor u sii qaadi doonto xidhiidhka wada shaqayneed iyo adeegga ay u fidiso shirkaddan iyo shirkadaha kaleba ee ka hawlgala garoomada diyaaradaha ee dalka Somaliland.
Sidoo kale, shirkadda Fly Dubai waxay ballanqaadday inay wasaaradda gacan ka siin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa heerka tababar, amni iyo adeeg ee madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana madaarka Hargeysa.
Ugu dambayn, kulankan ayaa ku soo gababoobay guul iyo isfaham buuxa oo labada dhinac ay ka yeesheen dhammaan qodobada laga wadahadlay,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post