X
    Categories: Warar

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Sheegay In Aanay Hayn Awood Lagaga Hortago Qaraxyada Al-shabaab

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhaliilay beesha caalamka, gaar ahaan waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen sidii Hay’addaha amniga Soomaaliya looga caawin lahaa khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab ee sii kordhaya.

Sanabaloolshe, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso sida ay beesha caalamku isu garab taagtay Soomaaliya, gaar ahaan markii uu dhowaan ka dhacay magaalada muqdisho weerarkii khasaraha badan dhliyay ee isgoyska Zoobe, balse waxa uu sheegay in haddana dagaalka Al-Shabab uu u baahan yahay wax ka badan dhalleecayn iyo cambaarayn.

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku daacabay jariiradda New York Times, isagoo xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmo dhinaca khibaradda iyo qalabka iskugu jirta, iyo weliba qaab cusub oo uu yeesho iskaashiga ay leeyihiin hay’adaha amniga Soomaaliya iyo kuwa caalamka.

Sanbaloolse waxa uu muujiyey in hay’adda nabadsugidda ay caqabado ka haystaan dhinaca ka hortagga weerarrada Al-Shabab ee qaraxyada, isagoo sheegay in Al-Shabab ay si weyn u kordhiyeen isticmaalka qaraxyada iyo weliba culayska ay leeyihiin oo uu sheegay inuu ku bilowday ilaa 100 kiilo haatanna uu gaadhayo ilaa 1000 kiilo.

Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in hay’addaha caalamka ee leh khibradda inay ka gaabiyeen inay iskaashi dhinaca wadaagista xogta ah ay siiyaan hay’adda nabadsugidda Soomaaliya, isagoo  sheegay in khubarada waddamada qaarkood ay yimaadaan Soomaaliya kadibna baadhitaan ay ku sameeyaan qaraxyada, balse natiijada qaraxada aanay dib ugu soo celin Hay’addaha Soomaaliya.

Agaasimaha nabadsugidda ma ku sax yahay? Matt Bryden waa khabiir ka faallooda arirmaha amniga iyo istiraatijiyada gobolka Geeska Afrika, waxaana u shalay ka soo laabtay magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in hadalllada agaasimaha ay wax ka jiraan.

Matt Bryden waxa uu yidhi: “Waxaan ka fahmay farriinta agaasimaha marka la eego qaraxyada waxay dawladdu codsanaysay kaalmo khaas ah oo ay kaga hortagto weerarrada waaweyn manay helin. Waxay isku dayeen hay’addaha amniga ee Soomaalidu inay yareeyaan halista balse ma helin kaalmo ku waajahan sidii ay u joojin lahaayeen qaraxyada oo ay ka yimaadaan geerida iyo dhaawaca ka dhasha weerarada Al-Shabab badankoodu”.

Matt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research waxa uu sheegay in qiimaynta ay hay’addiisu samaysay ay ku ogaatay in laamaha amniga Soomaalidu heleen qalab loo adeegsado sidii loo furfuri lahaa qaraxyada, balse aanay haysan shaybaadhkii baadhista iyo qiimaynta khibradeed ee kasoo baxda baadhitaanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post