X
    Categories: Warar

“Madaxda Hay’adda ILO Waxaanu farta ugu fiiqnay Inay Naga Taageeraan shaqo Abuurka Da’yarta .” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunta Madaxooyada kulan kula yeeshay wefti sare oo ka socda (United Nations International Labuor Office) loona soo gaabiyo ILO, oo uu hoggaaminayey Mr George Okutho oo ah agaasimaha hay’adda ILO u qaabilsan waddamada Itoobiya, Somaliland, Sudan, South Sudan, Jabuuti, iyo Soomaaliya, isla markaana ah wakiilka gaarka ah ee midowga afrika iyo guddiga dhaqaalaha ee qaramada midoobay u qaabilsan africa, oo ay wehelinayeen madaxa xafiiska ILO ee Somaliland, Md. Cabdixamiid Maxamed Cumar iyo Mr Ilias Diriye oo ah la-taliyaha arrimaha farsamada ee xafiiska ILO u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Weftigan ka ka socday hay’ada shaqaalaha adduunka ee ILO iyo Wasiirada Xukuumadda ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay shaqo abuurka dhalinyarada.

Najiitada kulankaasi ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo hadal qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook waxaannu yidhi “ Maanta waxa anniga iyo wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta iyo wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshadu aannu xafiiskayga ku qaabilnay saraakiil sare oo ka socday hay’ada shaqaalaha aduunka ee ILO.”


Mudane Xaashi waxa uu xusay inay ay hay’adaasi ka hadleen shaqo abuurka oo uu sheegay inuu ka mid yahay dhibaatooyinka qaran ahaan ina haysta Xukuumad ahaana ay la tacaalayaan waxaanu yidhi “ weftigaasi iyo masuuliyiinta igu wehelinayey shirka waxaannu iska waraysanay mashaariicda hay’adda ILO ay ka qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahiyaha badan ee yaala oo aanu farta ugu fiiqnay inay inagga taageeraan, kuwaas oo ay ugu mudan tahay shaqo abuurka da’yarta oo ka mid ah caqabahada ugu adag ee qarankan haysta, Xukuumadda xisbiga KULMIYE-na ay u tafaxaydan tahay sidii ay xal ugu heli lahayd.”ayuu Yidhi.

Sidoo kale Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in masuuliyiinta ILO ay u balan qaadeen inay Somaliland ka fulin mashaariic waaweyn waxaannnu yidhi “ Weftigaasi ILO waxay inoo balan qaadeen inay wax badan nala qaban doonaan, horena ay wax noola qabteen, hada ay wadaan mashaariic ay lacago badani ku baxayaan, waanu u mahad naqaynyaa Hay’adaasi.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post