X
    Categories: Warar

Madaxda Hay’adda Britain U Qaabilsan Deeqaha Dibadda Oo Soo Gaadhay Hargeysa Lana Kulmay Madaxweyne Muuse Biixi

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somalilanf Muuse Bixii iyo Madaxda Hay’adda DFD

 

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)aMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda hay’adda ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibada ee loo soo gaabiyo DFID oo uu hoggaaminayey madaxa hay’addaasi Mr. Phil Evans.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha iyo madaxda ha’yadda waxaa laga wada xaajoodey gurmadka iyo gargaarka duufanadii ku dhuftey xeebaha Somaliland, arrimaha doorashooyinka, wakiilada iyo deegaamada, kobcinta waxsoosarka, kor u qaadista dakhliga dalka, taageerada dhamaystirka xeerarka, iyo horumarinta shaqo abuurka dhalinyarada.

Waxaana si qoto dheer labada dhinac u lafo gureen sidii loo sii horumarin lahaa xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Hay’adda DIFD islamarkaana kaalmooyinka ay siiyaan dalalka geeska afrika, somaliland saamigeeda si toosa uga hesho kaalmadaa.

Dhinaca weftiga hay’adda DFID ee dalka Ingriiska u qaabilsan horumarinta calamiga ah oo uu u hadlayey madaxa hay’adda phil Evans ayaa sheegay inay dhinacooda diyaar ula yihiin Somaliland inay ka taageeraan arrimaha ay ka mid ka yihiin gurmadka dadkii duufaantu ku dhufatay ee xeebaha Somaliland, iyo qodobada kale ee laga wada hadlay, siina xoojinayaan taageerada ay Somaliland ka siin jireen arrimaha doorashooyinka ayna ka go’an tahay inay gacan ka geystaan doorashooyinka 2019 dalka ka dhici doona.

Kulankaas oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Syalici), wasiiradda wasaaraddaha Arrimaha dibeda iyo Macdanta iyo tamarta, Mudane Sacad Cali Shire iyo Mudane Jaamac Maxauud Cigaal.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post