X
    Categories: Warar

Madaxa Qaybta Siyaasadda Ee Qaramada Midoobey Oo La Kulmay Madaxda Soomaaliya Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Araweelo News Network

 


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Iyo Jeffrey D. Feltman Madaxa Qaybta Siyaasada ee Qaramada Midoobay.

 

Muqdisho(ANN)/.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaadhay, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Sida  lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa  lagaga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xidhiidhka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaadhan oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka midha-dhalin doonno barnaamijyada la xidhiidha dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yidhi Khayre.

 

Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.

 

Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xidhidha sidiii loo gaadhi lahaa   doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post