Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)/.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaadhay, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa lagaga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xidhiidhka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaadhan oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka midha-dhalin doonno barnaamijyada la xidhiidha dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yidhi Khayre.
Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.
Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xidhidha sidiii loo gaadhi lahaa doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM