Araweelo News Network
Wajeer Kenya(ANN)-Saddex macllin ayaa lagu dilay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ka dib markii xalay weerar looga shakisan yahay in ay Al Shabab Fuliyeen lagu qaaday goob iskuul ah, sidaana Waxa baahiyay Idaacada Capital FM.
Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa ah meel u dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadagaan. Dadka weerarka fuliyay ayaa sidoo kale waxa ay waddada iskuulka loo maro ay dhigeen waxyaabaha qarxa, sidaana waxa wargayska Naition u Sheegay abaanduulaha booliiska ismaamulka Wajeer Stephen Ng’etich.
Dhinaca kale Ila wareedyo laga helayo goobtaasi ayaa wakaalada wararka ee Anadolus u sheegay in waxyaabaha qarxa ay wadaada u dhigeen si aanay adeega gurmadka degdega ah iskuulka usoo gaadhin.
Ma jirto cid sheegatay weerarkaa, balse waxa la rumaysanyahay in Al-Shabaab marar hore weeraro ka fuliyay deegaankaa ka danbeey een weerarka lagu khaarajiyay macalimiinta.