X

Maayarkii Raadadka Dhaxalka Taariikhda Halganka Uga Tegey Somaliland Cawl Cilmi Cabdalle Oo Lagu Aasay Hargeysa


Hargeysa(ANN)-Mayaarkii horre ee Hargeysa, Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Bariga Magaalada Hargeysa ee Halleeya.
Alle naxariistii janno ka waraabiye, aaska Marxuumka,waxa ka qaybgalay Masuuliyiin ka tirsan golayaasha xukuumadda, madaxda saddexda Xisbi iyo dadweyne tiro badan, masuuliyiinta ka hadlay doorkii, halgankii iyo dib u dhiskii dalka ee uu lahaa Marxuum Cawl Cilmi Cadalla, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Marxuumku qof hawl-kar ah, isla markaana raad weyn oo taariikhi ah kaga tegey dalka markii uu Maayarka ka ahaa Magaalada Hargeysa, xilligii xukuumaddii Marxuum Cigaal iyo muddo kadib geeridii Madaxweyne Cigaal.

Dadka ka qaybgalay Aaska Marxuum Cawl Cilmi Cabdale, 29 Desember 2018.Araweelo News Network.


Aadan Maxamuud Diiriye (Aadn Ruush) oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM, isla markaana xilal kasoo qabtay xukuumaddihii hore ee Somaliland, ayaa sheegay in Marxuum Cawl Cilmi Cabdalle ay ka muuqdaan raadadkii uu ka tegey , isagoo yidhi, “Maayar ayuu Hargeysa ka noqday Calaamadihii halganka lagu xusuusnayay Cawl baa dhigay, Diyaarada iyo calaamadaha kale ee muujinaya halgankii ee ilaa madaarka aad ku arkayso Cawl Baa dhigay, mana jiro nin kale oo sameeyay.”ayuu yidhi, Aadan Ruush, wuxuuna Allah uga baryay inuu marxuumka ugu deeqo jannafardawsa, wuxuuna ka tacsiyeeyay qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland.


Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho), ayaa sheegay in Marxuum Cawl u baahnayn in taariikhdiisa halkan laga sheego, balse waxa uu xusay in Marxuumka dadku aad u garanayaan, taariikhda uu ka tegeyna ay ku filantahay raadadka uu ku sameeyay taariikhdii halganka oo xilligii uu Maayarka ka ahaa ka sameeyay, wuxuuna ka tacsiyeeyay qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland, isagoo uga baryay Allah inuu marxuumka ugu deeqo jannafardawsa.
Sidoo kale, waxa ka hadlay taariikhda marxuum Cawl, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub, Agaasimaha Madaxtooyadda, Maxamed Cali Bile, Afhayeenka Madaxweynaha, Maxamuud Warsame Jamac, Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) iyo masuuliyiin iyo Culimo ka qaybgalay aaska marxuumka, kuwaas oo dhammaantood ka markhaati kacay inuu marxuum Cawl ahaa halgamaa ka tegey taariikh cad iyo raadad aan la ilaawi karin.

Dadka ka qaybgalay Aaska Marxuum Cawl Cilmi Cabdale, 29 Desember 2018.Araweelo News Network.


https://youtu.be/iAD-e5rU8qw
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post