X
    Categories: Warar

Maayarka Hargeysa Oo Canbaareeyay Xeer Golaha Wakiiladu Ansixiyeen

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO)

Hargeysa(ANN)-Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), ayaa ku tilmaamay Wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee golaha Wakiiladda Somaliland maalmihii lasoo dhaafay ansixiyay mid lagu deg-degay oo aan wax lafa-gur ah lagu samayn.

Maayarka oo maanta warbaainta kula hadlay mar uu booqday Bandhiga Bugaagta ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa, wuxuu sheegay in xeerkaa oo abuuray qaylo iyo sawaxan oo ay degmooyin baddan ka qayliyeen uu Caasimadda qaybta Kabka lagu sameeyay ee la qaybiyay ay tahay xaqal-xashiishkii, wuxuuna ku eedeeyay xeerkaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo ku xigeenkiisa Koowaad Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

“Waxa Cabanaya Degmooyin, kuwo derejada (D )ah, waa laga tegey, kuwo Derejada (B) loo dalacsiiyay ayaa laga tegey, Annaga Caasimad ahaan, waxaan ka qabnaa, waxay yidhaahdeen Kabkii waa la qaybiyay, mana aha Lacag la siiyo dawladdaha Hoose ee waa Cashuurta Xaqal-xashiishka, magaalo walba waxay leedahay  in loo qiimeeyo Baabuurta soo gasha in loo qiimeeyo ayay ahayd, waxaase laga dhigay sidii deeq la qaybinayo, Baarlamaankuna haday qybiyeen Lacagtii Xaqal-Xashiishka, waxaan leeyahay Xashiishkana qaybiyoo qayb ka gura Magaalada” ayuu Yidhi, Maayar Cabdiraxmaan SOLTELCO.

Maayarku, wuxuu ka hadlay ahmiyada uu leeyahay xeerkaas iyo cidda ku suntan in sidaa loo maamulo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xeerkani, waa Xeerka Labaad ee ugu sareeya Xeerarka marka laga yimaado Dastuurka, waana xeerka Golabada iyo Degmiiyinka lagu maamulayo, waana la dedejiyay xeerkaa oo lama lafa-gurun, wuxuuna ku suntanyahay, Guddoomiye Baashe iyo Saaxiibkay Ina Cali Ayaanle” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan SOLTELCO.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post