X
    Categories: Warar

Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco Oo Ka Hadlay Bilowga Diwaanka Casriga Ah Ee Kaydka Xogta

Maayir Soltelco oo kormeeray Barmaamijka E-governance faahfaahin ka bixiyey faa’idada nidaamka E-governance ee loo wareejiyey adeegyada Dawladda hoose ee Hargeysa 29 Sep 2019


Hargeysa(ANN)-Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa, ayaa bilawday Barmaamij loo yaqaan E-governance, kaas oo tijaabadiisa laga bilaabay Degmooyinka Caasimada muddo laba bilood ka hor ah.


Duqa Caasimada Hargeysa, isla markaana ah guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa saaka kormeeray barmaamuj cusub oo laga hirgeliyey degmooyinka Magaalada, kaasoo ah diwaan cusub oo lagu kaydinayo xogta Dhulka iyo Cashuuraha.

Maayar Cabdiraxmaan SOLTELCO, ayaa kormeerkiisa ku sheegay in qaybo kamida lagu guulaystay oo lagu uruuriyey xogtii loo baahnaa.

Barmaamijkan oo ah nooca loo yaqaano E-governance, ayaa waxa tijaabadiisa la bilaabay muddo laba bilood ka hor ah, “hanaankani wuxuu inoo suurtogelinayaa in ay kala cadaadaan lahaanshiyaha Dhulka, kala iibsiga iyo macluumaadka kale ee muhiimka ah”sidaa waxa yidhi Maayarka oo wariyeyaasha kula hadlay Xafiiska Degmada Ibraahim Kood-buur maanta xilli uu ku jiray kormeerkiisa.

Sarkaal kamida howl-wadeenada mashruucan hogaaminaya ayaa isaguna sheegay in lagu guulaystay tijaabadii howshan, isla markaana ay sii wadayaan hawshaa oo waxbadan ka taraysa adeegyada ay bulshada u hayaan oo wax weyn qaranka u taraysa marka loo baahdo xogta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post