Araweelo News Network
Hargeysa(ANN) Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Qaranka ee Mucaawinooyinka Raashinka WFP Mr. Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa sheegay in Hay’adda Cilmi-baadhista Degaanka iyo u Diyaargarawga Masiibooyinka Somaliland ee NERAD (National Environment Research and Disaster-preparedness) ay la habsaantay warbixinta xaaladaha abaaraha.
Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Caawimooyinka WFP oo la weydiiyey sababta ay uga qaybqaadan waayeen gurmadka dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen, waxa uu yidhi;
“Runtii waxaannu kala mid nahay hay’adaha kale ee dalka ku sugan waliba waannu ka duwan nahay oo anagu marka ay wax dhacaan markaaba ma bixino, laakiin waxaan kuu sheegayaa hay’adada aannu la shaqaynaa, iyadoo sannadkii oo dhan wax bixisa haddana wixii abaaraha nagaga soo aada jawaab ayaanu ka bixinaa, iminka waqtigan waxa aannu sugaynaa warbixinta ay soo saari lahaayeen Hay’adda masiibooyinka Somaliland ee NERAD oo qaranka u qaabilsan iyo Hay’adda Qarammada Midoobay ee OCHA.
Markaanu macluumaadkaasi helno ayaanu jawaab degdeg ah bixin doonaa, inkasta oo uu macluumaadkii raagay aniguna aan cabasho guud ka bixyey warbixintaasina waa ta lagu duuli doono.”
Hasa yeeshee, wargeyska Jamhuuriya uu weydiiyey Guddoomiyaha NERAD Mr. Axmed Muuse Cawaale, sababta ilaa hadda looga la’yahay warbixinta dhibaatooyinka abaaraha ee ay hay’aduhu ku salayn lahaayeen taakulooyinkooda, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrintaas, balse waxa uu si kooban u sheegay in ay dhammaanba Hay’adaha caalamiga ah si foolka fool ah ula hadleen, isla markaana u sheegeen inay toban maalmood guhadood kaga qaybqaataan gurmadka.
Waxaannu xusay in kulankaas ay hay’adaha la yeesheen aanay goob-joog ka ahayn Hay’adda WFP, isagoo caddeeyey in hadda ay dusha si toos ah uga wada shaqeeyaan Guddida Abaaraha ee Madaxweynuhu magacaabay, xaaladda taakulaynta dadkuna ay marayso meel fiican.
Geesta kale, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka ee WFP, ayaa jawaab ka bixiyey war toddobaadkan ku soo baxay Wargeyska Madaxbannaan ee Hubaal oo lagu sheegay in raashin badan ka buuxo bakhaarada hay’adaas, ilaa haddana aan wax taakulo ah looga fidin dadka abaaruhu saameeyeen.
“Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo wararku soo baxay wargeyska Hubaal, kaasoo ahaa in raashin badani ka buuxo bakhaarada hay’adda oo aan cidna la siin, runtii waxba kama jiraan arrintaas, waayo, sida aad wada ogtihiin mashaariicda ay qabanayaan hay’aduhu waa kuwo qorshaysan, sannadkana waxaa xaq u leh oo la siiyaa hooyooyinka iyo dhallaanka, kuwaasoo ilaa 80 xannaano ama MCH ah oo raashinka la siiyo uu gaadhayo ilaa $500,000 doollar (shan boqol oo kun oo doollar), waxa kaloo dhaqaale raashin ah lagu bixiyaa quudinta ardayda dugsiyada goobaha danyarta ah ku yaal, waxaanan ka wada shaqaynayaa Hay’adda Qarammada Midoobay ee WFP in dadka la siiyo deeqaha raashinka ay ikhitiyaar u yeeshaan cuntada ay cunayaan, waxaanan siinaa kaadh ku shaqaynaa borogaraam (Program) muddo lix bilood ah, kuwaasoo lacag loogu shubo si ay meharadaha kaga iibsan karaan raashin iyo caano hadba wixii ay doonaan, taasina waxay ka ilaalisay wixii marka hore laga leexsan jiray, balse hadda ma jiraan wax laga musuqi karo qofka la caawinayo,” ayuu yidhi Mr. Siciid Xasan Cabdillaahi.
Maareeyaha oo la weydiiyey sababta ay Somaliland beerolaydeeda ugu iibsan waayeen raashinka waxa uu yidhi “Annagu runtii waanu ku hoggaaminaa in beerolayda laga iibsado dalagga ka soo baxa beerahooda, laakiin taas waa la waayey oo ma jiro, mana muuqato, waxaanna la arkay in qaar ka mid ah dadka beeralayda ah ay raashinkii la siiyey ee WFP inta ay dib bacaha uga beddeleen haddana ka iibiyey Hay’adda WFP, taasna waa lagu qabtay, waxaanan halkan ka caddaynayaa cid alaale ciddii haysa raashin anigaa dammaanad qaadaya inay WFP iibsato ee ha keento haddii ay jirto.”