X
    Categories: Warar

Maareeyaha Shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Ducaale Oo Ka Hadlay Sicir-Bararka Iyo Saamaynta Uu Ku Yeeshay Bulshadda

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Maareeyaha shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa soo jeediyey in ganacsatada, xukuumada, shirkadaha telefoonada iyo shacabka oo midaysan, oon cadow isu-arkayn degdeg uga shaqeeyaan xakamaynta sicir-bararka.

Mr. Cabdirashiid Ducaale oo Idaacada BBC, laanteeda Afsoomaaligu ayaa qiray inay waajib ku tahay xukuumadaha ilaalinta sicir-bararka, sida caalamka oo dhan Ingiriiska, Kenya way ilaaliyaan sicir-bararka, waana masuuliyad saaran xukuumada iyo Baanka Dhexe.

Mar la weydiiyey maadaama aanay Soomaliland keliya ahayn meelaha lacagaha telefoonada lagu shubto, balse Kenya oo kale laga adeegsado, waxa ay kaga duwan tahay ee looga cabanayaa, waxa uu yidhi:“Xaqiiqadii, lacagta teelfoonada lagu isticmaalo waa ta dalku leeyahay, Kenya waxa ;la isticmaalaa MPesa,

Dollar kuma shaqeyso ee waxay ku shaqqeysaa lacagta waddanka, iyadoo lacagta lagu shubi karo qiyaas leedahay, oo Baanka Dhexe ee Kenya xukumo.

“Soomaalida lacagaha laga isticmaalo ta dollarka ayaa u badan inkastoo meelo ta soomaaliga laga isticmaalo, ganacsatada, dawlada iyo shirkadaha telefoonada iyo shacabku inay ka wada shaqeeyaan waa muhiim, si sicir-bararka loola dagaalamo.

“sicir bararku markuu dhaco dadkii jilicsanaa ee raashinka iyo alaabada iibsanayey ayey ku qaali ah ku noqonaysaa, markaa iyadoo laga midaysan yahay, oon laysu arag in cadow laysu yahay waa in laga wada shaqeeyo, sida ugu dhakhso badan waa muhiim.

Mar la weydiiyey haddii lacagaha telefoonada lagu isticmaalo Soomaaliland iyo Soomaaliya yihiin dollar, waxna lagu kala iibsado, waa maxay sababta keenaysa sicir-bararka, haddaan lacagta shillinka la isticmaalayn, waxuu yidhi:

“Sida Kenya loo isticmaalo lacagtii shillinka ayaa khasab ah in dhulka Soomaalida laga isticmaalo, dad baa mushaharkooda ku qaata Somaliland shillin ama Soomaaliya shillin, khasab dhaqaalahii waddanka way saamaynayaa, isticmaalkii lacagta dollarku way qiimo-riday shillinkii, tusaale shillinka Somaliland mar ayuu sarifkiisu ahaa saddex kun halka dollar, maantana todoba kun iyo dheeraad weeye, sicir-bararka macnaheedu waa qiimo-beelka lacagtii shillinka.

Mar kale oo wax laga weydiiyey doodo muddo socday oo ku saabsan in shirkadaha telefoonada ee soomaalidu raacaan shuruucda lagu ogaanayo qofka lacagaha diraya iyo kuwa soo diraya, inay ula muuqato in wakhtigan loo baahan yahay, waxuu yidhi:“baarlamaanku shuruuc la xidhiidha xakamaynta lacagaha la maydho (money laundering) ayuu ansixiyey, shirkadaha telefoonadu liisan ayey ka qaataan baanka dhexe Soomaaliya ama Somaliland, shirkadaha telefoonada dan ayey u tahay inay sharciga ilaaliyaan.”

Mar su’aal laga weydiiyey in shuruucdaasi soo gelayaan in qofka lacagta diraya iyo ka loo dirayo in la ogaado haddii baadhitaan daba-gal looga baahdo, waxa uu yidhi Cabdirashiid:

“Sharcigu waxa uu leeyahay qodobo shirkadaha ku khasbaya inay raacaan ama fuliyaan sida bangiyada adduunku u shaqeeyaan. Shirkad walba way ku khasban tahay inay sharciga ilaaliso oo la shaqeyso Baanka dhexe ee waddanka ay ka hawlgasho oo fuliso, lana dagaalanto sicir-bararka.’

Maareeyaha shirkada Dahabshiil Mr. Cabdirashiid M. Ducaale waxa uu tibaaxay inay soo dhoweynayaan, isla markaana fulinayaan go’aamadii xukuumada Somaliland ka soo saartay xakamaynta sicir-bararka, isaga oo sheegay inay cid walba oo ay xakamaynta sicir-bararku khusayso kala shaqaynayaan fulintooda, diyaar u yihiin sidii danta shacabka loo arko.” Ayuu Yidhi Cabdirashiid.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post