X
    Categories: Warar

Maareeyaha Dekedda Berbera oo Meesha ka Saaray in Wax Khilaaf ah ka Dhexeeyo Madaxtooyada

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa sheegay in aannu wax khilaaf ah ka dhexayn isaga iyo Madaxtooyada Somaliland, si fiicanna ula shaqeeyo qasriga looga taliyo Somaliland oo dekeddu hoos tagto.
Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa Hargeysa, ayaa caddadkiisii shalay daabacay war ciwaankiisu ahaa ‘Ma run baa inay Madaxtooyada iyo Cali Xoor-xoor ku sii kala fogaanayaan heshiiska Dekedda Berbera?’ isagoo wargeysku sheegay in maareeyaha iyo Madaxtooyadu isku khilaafsan yihiin maalgashiga Dekedda Berbera.
Hase yeeshee, Maareeye Xoor-xoor, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray gelinkii dambe ee shalay ku beeniyey warkaas, isagoo tilmaamay in aannu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo Madaxtooyada Somaliland.
“Waxa layaab nagu noqotay warka been-abuurka ah ee uu baahiyey wargeyska Geeska Afrika maanta (shalay). Waxaannu caddayneynaa in warkaasi yahay mid xaqiiqda ka fog oo aan jirin.
Habayaraatee Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kama dhex jiro wax khilaaf ah, waxayna Dekedda Berbera hoostimaaddaa Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.
Maareeye ahaan waxaan ka mid ahay xukuumadda, waxaanan ku shaqeeyaa siyaasadda dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaan kula talinayaa wargeyska Geeska Afrika in uu ka waantoobo wararka been abuurka ah iyo ku-tidhi-kuteenka ah ee uu bulshada ku khalkhal-galinayo,” ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post