X
    Categories: Warar

Maareeyaha Cusub Ee Dekedda Berbera Oo Xilka La Wareegay Iyo Dardaarankii Wasiirka Madaxtooyadda

Araweelo News Network

Berbera(ANN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maana si rasmi ah Xilkii ugu kala wareejiyey Maareeyaha cusub ee Dekada Berbera Axmed Dirir iyo Maareeyihii hore Eng. Cali Xoor-xoor.


Munaasibada Xil wareejinta oo ka qaybsoontay Dekeda Berbera ayaa waxa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiinta gobolka iyo saakiil kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Madaxtooyadda oo Maareeyihii hore Eng, Cali Xoorxoor ku amaanay wax qabadka uu ka hir galiyey Dekedaasi mudadii uu maareeyaha ka ahaa.
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena masuuliyiinta Dekeda faray inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Maareeyaha cusub ee Dekeda Berbera, waxaanu yidhi Wasiirku “ Waa munaasibad wanaagsan oo xil wareejineed, hadal badani kuma jiro Golahan oo kale, waa sadex hal uun marka u horaysa waxa weeye Maareeye Eng. Cali waxaan jecelahay inaan ku hambalyeeyo mudadii uu hayey xilkan uu maanta wareejiyey horumarkii iyo dadaalkii uu ka samaayey Dekeda Berbera, masuuliyad ayuu qaranka u hayey, masuuliyadii Dekeda oo wax badani ku soo kordheed. Qofka xil qabta waxa la qiimeeyaa marka uu tago inta uu joogo si sax ah qiimayntiisu uma soo baxdo, cid taariikhda qarin kartaana ma jirto, binu Aadamku waa khaliifadii ILAHAY ee dhulka, cadaalada wuu yaqaanaa, dadka maslimiinta ahi cadaalada kama tagaan, waayo waa markhaatiyaadii ILAHAY ee dhulka.”


Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay waxqabadkii Eng Xoorxoor waxanu yidhi“ Enj.Cali waxaan ku hambalyeynayaa wixii uu ka qabtay Dekeda iyo amaanadii qaranka ee uu hayey, wixii uu halkan ka qabtayna ma jirto cid dafiri karta, Bile Rafle Guuleed oo badhasaab ka noqday Burco iyo Hargeysa ayaa ilaayo hada laga sheekeeyaa wadooyinkii iyo kawaanadii uu iskaa wax u qabso ku dhisay, nidaad aynu kala aragti nahay ayuu Bile ka mid ahaa, hadaynu markhaatigaa ku bakhaylayo sidaa umaynu furneed markhaatigaas, markaa taariikhdu ma duugowdo, waxaan leeyahay Cali wixii uu halkan ka qabtay qarin mayno waanu qiraynaa wax wanaagsan ayuu qabtay, si odaynimo iyo mudakarnimo leh ayuu qarankan ugu shaqeeyey, waa ku mahad san yahay waanan ku hambalyeynayaa.”
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa ugu dambayntii u duceeyey Maareeyaha Cusub ee Dekeda Berbera waxaanu yidhi “ Maareeyaha cusub isaga waynu u ducaynaynaa, ILAHAY inuu xilkaa ku asturo inuu si masuuliyad leh u guto ayaanu ka rajaynaynaa, midna waa nasiib wanaagoo Maareye Axmed nin ku cusub halkan maaha, waa nin hore u soo xukumay, iyaduna wax weyn ayey ka qaadaynaysaa masuuliyadiisa cusub aqoontaa iyo fahankaa uu hore u lahaa. Masuuliyiinta Dekeda iyo madaxda halkan fadhida waxaanu ka rajaynaynaa in sidii ay Cali ula shaqeeyeen inay Maareeyaha cusubna ula shaqeeyaan, ee ay sigana shalay ula shaqeeyeen, waayo waxay midnimadeednu ku jirtaa inaynu wada shaqayno iyo inaynu iskaashano, xilkuna waa qori isu dhiib.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post