X
    Categories: Warar

‘Maan ahayn Nin Shaqada ka Kibray oo ka Horyimi Dawladda, Laakiin…’ Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-Xoor

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera Md. Axmed Yuusuf Dirir iyo Ku-xigeenkiisa Mr. Cabdi Cabdillaahi Mataan, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Maareeyihii hore Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) iyo ku-xigeenkiisii Mr. Cumar Abokor Jaamac oo shaqada laga fadhiisiyey dhowaan.
Xafladda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xafiiska Maareeyaha dekedda shalay, waxa ka qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda uu horkacayey Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Maamulka Gobolka Saaxil, degmada Berbera, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo marti sharaf kala duwan.
Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayey, isagoo sheegay inay sameeyeen dhismayaal badan oo dekeddu leedahay, isla markaana casriyeeyeen nidaamka shaqada.
“Dhismaha aannu samaynay waxa uu qaadi karaa shan kun ilaa lix kun oo koontiinar, shaqada dekedda iyo tacabka la geliyeyna labadii sanno ee u dambeeyey aad ayey u korodhay,” ayuu yidhi Eng. Cali.
Waxa kaloo uu ka hadlay xilka laga qaaday oo uu ku sifeeyey inay tahay nidaamka dawladnimo oo xilku meerto yahay, waxaannu yidhi; “Shaqada dawladda ka tegisteeda iyo gelitaankeedaba waxa keena maamulka, ka tegisteeduna waa hawl dawladeed oo way kaa dhammaatay, hebel ku wareeji waxay ka mid tahay nidaamka dawladnimo.
Waxa aad maqlayseen barnaamij la leeyahay Cali wax ayuu diiday oo amar-diido ayuu sameeyey, barnaamijkaasi (maalgelinta dekedda Berbera) wuxuu ahaa mid dawladdu leedahay oo ka dhexeeya qaranka oo nin walba fikirka iyo aqoontiisa uu ku hagayo ayuun bay ahayd, wax kala duwaansho ah (differences) oo na kala dhexgalay dawladda iyo annigu ma jirin oo annigu dawladda ayaan u shaqaynayey, Madaxweynaha ayaanan ka hoos shaqaynayey.
Barnaamijkaas (heshiiska maalgashiga dekedda Berbera) wuxuu ahaa mid dawladdu gacanta ku hayso, anniguna aan ka ahaa farsamo-yaqaan, waxayna arrintu ku saabsanayd sidan ayey ku wanaagsan tahay iyo mayee sidan ayaa imminka la helayaa, wax kale oo dhibaato ah may jirin, mana ahayn nin shaqada ka kibray oo ka horyimi dawladda, laakiin, wax ha la inoo hagaajiyo ayaan lahaa oo sidaas ayey iila muuqanaysay. Maan ahayn nin mucaaraday oo hillaac kale u muuqday, meel kalena u han-qal taagay,” ayuu yidhi Eng. Xoor-xoor.
Maareeyaha cusub Md. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa sheegay in aanay shaqada dekeddu ahayn mid ku cusub, muddo dheerna ka mid ahaa hawlwadeennada, horena xilkan oo kale uga soo qabtay markii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay sannadkii 2010-kii.
“Ilaa 17 sanno ayaan ku soo jiray hawlaha dekedda oo khibrad badan oo igu filan waan u leeyahay,” ayuu yidhi Maareeye Dirir oo si weyn ugu mahadceliyey Eng. Cali Xoor-xoor oo uu tilmaamay inuu waxyaabo badan oo horumar ah ka qabtay dekedda Berbera.
Sidoo kale, waxa munaasibaddaas ka hadlay masuuliyiin tiro badan, kuwaasoo ammaan u jeediyey maareeyaha cusub ee dekedda iyo maareeyihii hore oo ay ku sheegeen inay aqoon badan u leeyihiin hawlaha dekedda, iyagoo masuuliyiinta xilka la wareegayna Ilaahay uga baryey inuu hawsha u fududeeyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post