X
    Categories: Warar

Maamull Goboleedka Soomaaliya Ee Puntland Oo Lagu Wiiqay Dagaal Ay Kusoo Qaadeen Ciidamadda Somaliland Ee Jiida Hore

Araweelo News Network

Garoowe(ANN)-Maamul goboleedka Soomaaliya  ee  Puntland oo xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa ka hadlay weerarrar ay saaka kusoo qaadeen Ciidamadda Somaliland ee ku sugan Jiida hore ee xadka ay wadaagaan Somaliland Iyo Soomaaliya.

Maamulka Garoowe, ayaa qirtay in weerarrkaa khasaare kasoo gaadhay, waxayna  war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku sheegeen in dagaal lagu soo qaaday goobaha ay fadhiyeen ciidamaddooda, isla markaana Khasaare dhimasho Iyo dhaawac soo gaadhay.

Dhinaca kale  wararka ka imanaya Garoowe, ayaa sheegaya in Ciidamadda maamulka Garoowe ee Puntland uu soo gaadhay, Isla markaana ay jiraan dhimasho Iyo dhaawac la geeyay Cusbitaalka Garoowe oo gaadhaya  ugu yaraan 50 askartooda ah.

sidoo kale wararka, ayaa sheegaya in Gaadiid lagaga qabsaday Ciidamadda Puntland dagaalka, Isla markaana ay jiraan maxaabiis lagaga qabtay dagaalka oo u gacan galay Ciidamadda Somaliland.

 

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiwali Cali Gaas uu ku suggan yahay magaalada Baydhabo oo ay ku shirsan yihiin madaxda maamul goboleeyda Soomaaliya.

Sidoo kale dagaalka, ayaa kusoo beegmay xili ay Somaliland ka socdaan munaasibadaha loogu dabaal degayo sannad guuradii 27aad ee kasoo  wareegtay markii Somaliland dib ula soo noqotay Xoriyadda 18 May 1991′ oo munaasibadeeda lasoo qadimay kadib markii ay kusoo beegantay Bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post