X
    Categories: Warar

Maamulka Puntland Oo Xidhiidhka U Jaray Dawladda Federaalka

Saciid Cabdullahi Maxamed

Garoowe(ANN)-Maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa xidhiidhka u jaray Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdiulaahi Farmaajo.

Sidaana, waxa lagu sheegay War-qoraal dheer oo ku qoran Luqadda Afka Ingiriisiga oo ka soo baxay Madaxtooyadda Maamulka Puntland, kaas oo si cad loogu sheegay sababta keenay in Puntland xidhiidhka u jarto Dawladda dhexe. Ee Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in Qodobbada dhaliyay inuu shirka  Garoowe ku dhammaado natiijo la’aan ay tahay in Xukuumadda Federaalku diidday joojinta sharciyo aan laga talo-gelin dowlad-gobolleedyada oo ay iyadu diyaarisay, khalifaadka Galmudug iyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa marka la gadho sannadka 2020.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ku doodday in habka loo diyaariyey Xeerka Shidaalka ee todobaadkan Baarlamaanka Federaalku ansixiyay iyo Xeerar kale oo muhiim ahi aanay sax ahayn, xeerarkaas oo inta baddan Baarlamaanka Dawladda Federaalku ansixiyey.

War-saxaafadeedka Puntland ku shaacisay inay xidhiidhka ay u jartay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qodobbada ugu waaweyn ee ay Puntland u cuskatay waxa ka mid ah:-

    In ayna aqoonsan doonin sharciyadda ay soo diyaarisay xukuumadda federaalka ee hoos u dhigaya in dastuurka federaalka loo dhameystiro geeddi u socodka ku dhisan daah- furnaan, la tashiga maamullada iyo hannaanka loo dhan yahay.

    In ay joojisay xidhiidhkii wadashaqeyneyd ee dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaadhayo arrimaha; dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga qaranka.

    In ay soo saari doonto siyaasad cad oo ku waajahan dowlad-gobolleedyada dalka iyo beesha caalamka si loo maareeyo xaqiiqooyinka cusub ee siyaasadeed.

    In ay ku baaqeyso in ay sii socdaan wada-hadallada tooska ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inta heshiis mideysan laga gaadhayo.

Dhanka kale, Puntland waxay Maamul-gobolleedyada kale ugu baaqday inay u midoobaan danahooda, halka ay beesha Caalamkana ugu baaqday inay isha ku hayso siyaasadda iyo nidaamka shaqo ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post