X
    Categories: Warar

Maamulka Puntland Oo Toogasho Ku Fuliyay Sadex Nin Oo Lagu Eedeeyay Al-shabaab

Garoowe(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul goboleedka Somalia ee Puntland Xasan Cismaan Aloore, ayaa cadeeyay inay fuliyeen toogasho lagu fuliyay 3 nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Mr. Xasan Cismaan Aloore, waxa sidaa ka shaagay mar uu maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland, wuxuuna ku dooday in ragga lagu fuliyay dilalka toogashada ah, ay maxkamaddi ku cadaysay eedaha denbiyada loo haystay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee sidan oo kale ay maamul ahaan dilal toogasho ah ku filayaan dad lagu eedeeyay Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay in denbiyo lagu helay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post