X
    Categories: Warar

Maamulka Jubba Ee Kismaayo Oo Aqoonsaday Qadiyadda Somaliland

Ahmed Madobe Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubba land photo file

Kismaayo(ANN)Maamul goboleedka Koonfurta Somalia ee Kismaayo,ayaa sheegay inay aqoonsadeen qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland, iyagoo qiray xaqa ay Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay ka baxaan midnimadii lagu haligmay ee wixii laysku odhan jiray Jamhuriyadii Somalia oo ay Somaliland la midawday markii ay xoriyadeeda ka qaadatay mustacmaradii Boqortooyadii Britain 26 Jun 1960.

Balse Somaliland markii ay midnimadaa ka dhaxay xasuuq I yo tacadi loo geystay shacbigeeda kadib lasoo noqotay xoriyadeedii 18 May 1991, taas oo ka dhalatay halgan qadhaadh oo ay la galeen Taliskii Milateri ee Maxamed Siyad Barre.

madaxweynaha maamul goboleedka Koonfurta Somalia Sheekh Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in maamulkoodu aqoonsaday qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland, wuxuuna sheegay in ay hadda garwaaqsadeen cadaaladdaradii, xasuqii iyo dulmigii Lagu sameeyay. sidaa darteed ay ka goosanayaan  dawlada Federaalka Somalia, maadaama sida uu ku dooday ay kala kulmeen dulmi iyo cadaaladdaro.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay Mooshin Baarlamaanka Somalia ee Federaalku ansixiyay, kaas oo nuxurkiisu ahaa in la laalo Baarlamaank Jubba land ee lasoo xulay, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan caddaalad ahayn, isagoo hore ugu hanjabay in any xidhidhka u jaraaan haddii Baarlamaanka Federaalku ansixiyo Mooshinkaa, isagoo ka dhabeeyay hanjabaadii uu ku hanjabay inay xidhiidhka u jaraayaan xukuumadda taagta daran ee Federaaalka Somalia ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post