X
    Categories: Warar

Maamulaha Guud Ee Shirkaddaha Dahabshiil Oo Ku Baaqay In La Barbar Istaago Dhallinta Hanka iyo Hibada Ciyaareed Leh

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid Maamulaha Guud ee Dahabashiil Group, ayaa ugu baaqay ganacsatada, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo guud ahaan cid kasta oo gacan ka geysan karta, in la barbar istaago oo si kasta oo ku habboonba loo gacan qabta dhallinyarada Soomaaliyeed eel eh hanka iyo hibada tartammada ciyaaraha.

Maamulaha Guud oo Jimcihii ka qayb galay tartan orodka dheer ee Marathonka loo yaqaanno iyo mid kale oo 10 kiloomitir ah oo caalami ag oo lagu qabtay Hargeysa, ayna ka soo qayb galeen tiro door ah oo ajaanib ah, ayaa isagu muujiyey sida shirkadaha Dahabshiil Group, oo door weyn ku lahaa qabanqaabinta barnaamijkan iyo taageeradiisaba, ugu heellan yihiin, uguna faanayaan dhallinyaro leh awood iyo hiigsi caalami ah oo ciyaareed.

“Hargeysa oo aynu maanta joogno iyo dunida inteeda kale, gaar haan meel kasta oo ay dhallinyaro Soomaali ahi isugu timaaddo isboortiga (kubbada cagta, orodada iyo atleetikada kaleba), waxa muhim ah in lagu taageero oo la dhiirrigeliyo si ay guulo la taaban karo uga soo hooyaan xirfadahooda iyo hibooyinka ay leeyihiin ciyaaraha,” ayuu yidhi mudane Cabdirashiid, oo ka hadlayey munaasibadda tartannadii Jimcaha loogu qabtay orodyahannada Istaadiyamka weyn ee Hargeisa Sports Stadium.

Waxa uu bogaadiyey mudane Cabdirashiid cid kasta oo door muuqda oo aasaasi ku lahayd qabanqaabada, isku-durbaridka iyo hirgelinta tartannada ka qabsoomay Hargeysa ee caalamiga ah haddii ay ahaan lahayd Darlington Foundation, aasaasayaasha wareeagga tartan ee sannadlaha noqon doona ee Somaliland International Marathon Run (www.somalilandmarathon.com) Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhkeeda Ciyaaraha Fudud, ganacsatada oo Dahabshiil Group ka mid ahaa, iyo dhammaan mutadawiciinta suurtageliyey qabsoomidda tartankan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib.

Mudane Cabdirashiid, oo laf ahaantiisu ku lebisnaa iskujoog luwa ciyaaraha ah, waxa uu mid-mid u gacan qaadayey, ulana sheekaysaneyey dhallinyaradii soo buux dhaafisay garoonka ciyaaraha ee qaybta ka ahayd tartankii subaxnimada, isaga oo ka tarjumaya aragtida Dahabshiil ee dhiirrigelinta dhallinyarada iyo taageerada daryeelka bulshada. Shirakada Dahabshiil Group waxa ay door muuqda ka qaataan mashaariic kala duwan oo door lixaad leh ka qaata amuuraha caafimaadka, waxbarashada, biyaha, nabadgelyada, ciyaaraha, waddooyinka Iyo taakulaynta bulshada.

Tartan Kii Jimcaha ee 42 Kilometre waxa Kaalinta 1aad galay David Hallard (2:55:27), Kaalinta 2aad Guuleed Cabdullahi Maxamuud (3:01:45) iyo Kaalinta Saddexaad Robert Michalski (3:16:44).

Dhinaca 10ka kun ee mitir ama tobanka kiloomitir ee ragga waxa kaalinta kowaad ku guuleystey Siciid Farxaan Cumar 34’ 12”, Kaalinta labaad Xamse Haybe Adan 34’32” iyo kaalinta 3aad Maxamuud Ibraahim Muumin 34’ 33’.

Hablaha tartankan 10ka kun ee mitir ka qayb galay waxa kaalinta 1aad gashay Vicky Burford(, 2aadna Shaylene Tomarty iyo saddexaad oo ay qaadatay Fawziya Axmed Cumar.

Waxa abaalmirannada guddoonsiiyey guuleystayaasha, bogaadin iyo ammaana u jeediyey dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo abaabulayaashaba Wasiirka Arrimaha mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Boos Mire Maxamed.

Tartan orodada ama isboortiga guud ahaanba ah oo heer caalami ah waa markii u horreysey ee lagu qabto carro Soomaaliyeed intii ka dambeysey 1991.
Hassan M Jama “Heiss”
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post