X
    Categories: Warar

Maamulaha Guud Ee Shirkada Dahabshiil Group Oo Dhiiri Galiyey In La Kob-ciyo Qoraalka Iyo Suugaanta Kana Qayb Galay Buuga Cibaaro Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)/Maamulaha Guud ee shirkada Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo bulshada ku dhiiri galiyey sidii kor loogu qaadi lahaa qoraalada wax tarka u leh bulshada mar uu maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo lagu soo ban dhigay Buug uu qoray Abwaan Xuseen Cabdi Xalane kaasi oo loogu magac daray CIBAARO oo lagu soo uruuriyey Maansooyinka,Gabayada Iyo Sheekooyin aad u badan oo xusuuso kala duwan ka bixinaya Bulshada somaalida.

Xafladani oo ahayd mid ay ka soo qayb galeenAqoonyahano,Siyaasiyiin Masuuliyiinta Asxaabta,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan ayaa waxa ay daaranayd buug koobsaday Suugaan aad u tiro badan, hadaba si loo dhiiri galiyo dhalinyarada iyo bulshada akhrisan doonta waxa halkaasi laga jeediyey kalmado ku suntan muhiimada Afkeen hooyo iyo sidii loo dhiiri galin lahaa waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay Maamulaha Guud ee shirkada Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale kaasi oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Af-soomaaliga.

 

Waxa hadaladisii ka mid ahaa (”Aad baan ugu faraxsanahay inaan idinkala soo qayb qaato xafladan buuga uu qoray Xuseen Cabdi Xalane uu soo saaray runtii xuseen madaxdii iga horaysay ayaa si wacan u sharaxday,waxaan in yar uun culayska saarayaa qodobkaa u danbeeyey ee ah luuqada Af-soomaaligeenu si ay umadeena meel ay joogtaba iskugu xidho,Si ay dhaqankeena uga qayb qaadato siday ay u muujinayso dhalinyarada maanta xaflada fadhida oo la odhan karo boqolkiiba sagaashan(90%) waa dhalinyaro ka yar sodan jiro(30) lagu tilmaami karo sida ay Af-soomaaliga u jecel yihiin ee ay u danaynayaan ee ay subax nimadaa u soo kala heen waxa ay muujinaysaa horumarka uu wadankeenu gaadhay ee tacliinta loo jecel yahay ee suugaanta loo jecel yahay”) Ayuu Yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale Maamulaha guud ee shirkada Dahabshiil Group.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay sida ka shirkad ahaan ay u jecel yiihiin horumarka guud ee dalka iyo in ay dhiiri galiyaan cid kasta oo keenta wax dalka wax tar u leh oo ay ka mid yihiin shirkadaha daabacaada oo ay si weyn u garab joogaan sidii dhalinyarada wax qora loo dhiiri galin lahaa(”Hadii aanu nahay Dahabshiil mar walba wixii bulshada u dan ah waanu soo dhawaynaynaa waana ku dhiiri galinaynaa qof kasta oo dhalinyaro ah in uu aqoontiisa ku cabiro oo uu qoro waayo qoridu waa waaxa hadaya taariikh ahaan ama ha noqoto ta dhaqan ama ha noqoto ta mustaqbalka markaa waa muhiim in dadku markasta xasuusnaadaan kolay iyadana waxa muhiim ah in shirkadaha daabacaada sida Sagal Jet iyo kuwa la mid ka ahba ee qaybta ka qaadanaya in ay buugaagtan soo daabacaan iyaga laftooda la dhiiri galiyo”)Ayuu Yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale Maamulaha guud ee shirkada Dahabshiil Group.

Gabagabadii waxa ay shirkada Dahabshiil group kafaalo qaaday si ay u dhiiri galiso dhalinyarada iyo qoraaga buuga in ay dhamaan dadkii goobta ku sugnaa ay siiso buuga kuwaasi oo dhalinyaro u badanaa si ay u kobciyaan aqoonta suugaaneed ee Afkeena hooyo iyo dhaqankeenaba.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post