X

Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Ugu Caansan Somaliland Nuuradiin Schools Oo Ka Hadlay Arday Si Axmaqnimo Ah U Burburisay

Maamulaha Guud ee Dugsiyada ugu caansan Somaliland ee Nuuradiin Scools, Mahad Ibraahim Jaamac Image Araweelo News Network

Araweelo News Network.

“Wuxuu Ahaa Fal Masiibo Ah Oo Lasoo Abaabulay” Maamulaha Guud Ee Nuuradiin

Hargeysa(ANN)-Maamulaha Guud ee Dugsiyada ugu caansan Somaliland ee Nuuradiin Scools, Mahad Ibraahim Jaamac, ayaa ka hadlay rabshado khasaare dhaliyay oo maanta ka dhacay Dugsiga Sare ee Wiilsha Hargeysa.

 

Rabshadaa oo siw eyn looga naxay markii lagu arkay baraha Bulshada Ardaydii wax ka baranaysay dugsiga oo bur-burinaya agabkii  ay wax ku baranayeen iyo hantidii kale ee taalay.

Maamule Mahad, ayaa dhankiisa ku tilmaamay falkaasi inuu ahaa mid abaabulan oo wax laga xummaado ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka gobolka iyo Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka, ayaa tegay faraca dugsiyada Nuuradiin ee ay Ardaydu rabshada ka sameeyeen, kuwaasoo xaqiiqo-raadin ku sameeyey xaallada sababtay dhacdadaa.

Baraha Bulshada, ayaa lagu baahiyay Muuqaal Ardayda oo si axmaqnimo ah u bur-burinay agabkii dugsiga ay wax ku baranayeen iyo gaadiid kaamboolka dhexe yaalla.

Ardayda, ayaa si foolxun shiid iyo walxo faro qabsi ah ku garaacayey meelaha ay bartilmaameedsanayeen ee dugsiga.

Mahad waa hadloorka tacabka baddan geliyay waxbarashada Somaliland, isla markaana ah aasaasaha dugsiyada Nuuradiin oo ka mid ah dugsiyada ugu magaca weyn, isla markaana lagu majeerto Ardayda wax ka barata Akhlaaq iyo Aqoon, ayaa qaadan waa ku noqotay Bulshada wixii ay ka sameeyeen maanta dugsigooda.

Nuuradiin Schools, wuxuuna soo saaray kumaan Arday oo qaar badan oo ka mid ah ay saamayn ku leeyihiin maamulka hay’addaha dawladda iyo shirkaddaha ganacsiga.

Maamulka guud wuxuu dhacdada dugsigaas ka dhacday ku macneeyay in ay ahayd mid abaabulan oo la soo maleegay, isagoo ku sifeeyey masiibo ay sabab u noqdeen Ardaydii dugsiga wax ka baranaysay oo sida uu sheegay la soo dhex maray.

Wallaw aannay jirin cid ugu xidhiidhiyey si cad, hase yeeshee waxa uu caddeeyey in ay Hay’addaha nabad-gelyadu baadhayaan sababta iyo meesha laga soo abaabulay fadqalaaladaa..

Maamulaha Guud ee Dugsiyada ugu caansan Somaliland ee Nuuradiin Scools, Mahad Ibraahim Jaamac, ayaa Shir-jaraa’id oo markii dhacdadaasi dhacday kaddib qabtay, wuxuu  ku shaaciyay  in khasaare kala duwan oo culus loo geystay Xafiisyada iyo agabkii waxbarashada ee dugsiga, isagoo arrintaa ka hadlaya halkan ka daawo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post