Washington (ANN)- Maamulaha Guud ee shirkaddaha ๐ƒ๐š๐ก๐š๐›๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฅ ๐†๐ซ๐จ๐ฎ๐ฉ ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ Maxamed Siciid ๐ƒ๐ฎcaale, ayaa ka qeybgalay shirkii 27aad ee โ€œ๐๐ž๐ฒ๐จ๐ง๐ ๐๐จ๐ซ๐๐ž๐ซ๐ฌโ€, kaasi oo lagu qabtay ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐‡๐š๐ซ๐ฏ๐š๐ซ๐ ee Dalka Maraykanka, Hurvad Universityย  ayaa ka mid ah tobanka jaamacadood ee ugu caansan dunida.

Shirka ayaa ahaa mi lagaga hadlayay horumarinta dhaqaallaha Afrika, waxaana ka soo qayb-galay madaxda Baangiyadda Afrika, ganacsato, siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin caalamiya oo ka socday dalalka Afrika iyo caalamka oo dhan.

Maamulaha shirkaddaha Dahabshiil Group oo ka mid ah dadka lagu marti-qaaday, ayaa halkaas kaga hadlay Mustaqbalka dhaqaalaha Afrika iyo doorka Hal-abuurka Ganacsiga.

Cabdirashiid wuxuu sheegay in Afrika horumar muuqda ka samaysay Tiknoolajoyadda iyo adeegyada Maaliyadda ee casriga ah, gaar ahaan lacagaha la iskugu diro Moobillada.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la sii kordhiyo dedaallada socda, si loo sii adkeeyo guulahaasi, isagoo tilmaamay in shirkadaha sida Dahabshiil ay Hormood ka yihiin Tiknoolajoyadda casriga ah, sida E-dahab iyo Dahab Plus, si loo helo adeegyo casriya oo la jaan-qaadaya adeegyada sharci-Maaliyadeed ee caalamiga ah.

Hase yeeshee, wuxuu xusayย  in dadka Afrika aanay ku xidhnayn Bangiyada, balse adeegyada Moobillada lacagaha la iskugu diraa u fureen dadkaasi.

Dahabshiil ayaa door-weyn ka ciyaarta isku xidhka Dadka, ganacsatada iyo Hay’adaha samo-falka, iyadoo u fududaysa inay si fudud oo amaan ah iskugu diraan lacagaha.

Sidoo kale, adeegga Micro-dahab ayaa dhiirigeliyey dadka iyo maal-gelinta ganacsatada yaryar, taasi oo kor u qaaday koboca dhaqaalaha maxaliga ah, hoosna u dhigtay Tahriibka.

Shirkan ayaa muujiyey rejo wanaagsan oo laga qabo horumarka Afrika, iyadoo lagu nuux-nuuxsaday in Qaaraddu ka gudbi karto xuduudaha dhaqaale ee jira.